Japan oo taageertay in Midowga Afrika xubin ka noqdo G-20

Image
Hadalkan ayaa imaanaya xilli madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, uu baaqan soo jeediyey todobaadkii hore.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra'iisul Wasaaraha Japan ayaa taageero u muujiyay Isniintii in Midowga Afrika uu xubin joogto ah ka noqdo G-20, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha dalkaas.

"Marka la eego doorka ballaarinta ee dalalka Afrikaanka ah ee beesha caalamka sannadihii la soo dhaafay, Japan waxay aad u dooneysay inay xoojiso xiriirka Afrika," ayay Kyodo News ka soo xigtay Fumio Kishida oo ka hadlayay shir jaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen madaxweynaha Senegal, Macky Sall ee Tokyo.

Sall, oo sidoo kale ah guddoomiyaha Midowga Afrika, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay soo jeedinta Kishida. Balse, waxa uu rajo ka muujiyey in aduunka isku-raaco.

Labada mas'uul oo wadahadalo toos ah yeeshay ayaa sidoo kale ku heshiiyay inay ka wada shaqeeyaan mashaariicda horumarinta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Senegal.

Hogaamiyaha Japan ayaa ballan qaaday in Tokyo ay bixin doonto ilaa 10 bilyan yen ($ 72.8 milyan) oo deyn dulsaar yar ah oo la siinayo waaxda waxbarashada ee Senegal iyo ilaa 15.42 bilyan yen ($ 112.3 milyan) oo gargaar deeq ah oo loogu talagalay warshadaha kalluumeysiga.

Hadalka Kishida ayaa yimid kadib baaqii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden todobaadkii hore ee ahaa in Midowga Afrika uu xubin joogto ah ka noqdo G-20.

"Afrika waxay ka tirsan tahay miiska qol kasta, halkaas oo caqabadaha caalamiga ah looga hadlayo, iyo xarun kasta oo ay ka socdaan doodo wax ku ool u leh horumarka aduunka," ayuu yiri Biden

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM