Jarmalka oo ka cudurdaartey "aflagaado" uu u geystay Afrika

Image
Fariintaas ayaa ahayd isku-day jees-jees ka dhan ah safarka uu qaaradda ku marayo wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov.

BERLIN, Germany - Xafiiska arrimaha dibadda ee Jarmalka ayaa sheegay in ay ka xun yihiin adeegsiga fikrado qaldan oo ku saabsan qaaradda Afrika kadib qoraal ay ku faafiyeen mareegga Twitter-ka.

Qoraalka oo u muuqda isku-day jees-jees ka dhan ah socdaalka wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov uu ku marayo Afrika ayaa dhaliyey buuq markii lagu isticmaalay eray xanaf leh.

"Lavrov wuxuu joogaa Afrika, uma joogo in uu arko [shabeel] laakiin wuxuu si bareer ah u sheegaa in saaxiibadda Ukraine ay doonayaan inay burburiyaan Ruushka," ayaa lagu yiri qoraalka.

Dadka naqdiyey ayaa tilmaamay in qoraalka uu ka turjumayo aragtida ay dadka qaar ee reer galbeedka haystaan oo ah in qaaradda Afrika uusan muuqaalkeedu dhaafsiisaneyn xayawaano duurjoog ah.

Ebba Kalondo, oo ah afhayeenka guddoomiyaha ururka Midowga Afrika oo ay ku mideysan yihiin dowladaha Afrika, ayaa ka mid ahayd dadka sidda weyn u dhaleeceeyay qoraalkaas.

"Qodobka la qaatay oo ka xumahay. Waxaan qiimaynaa saaxiibadayada Afrikaanka ah," ayaa lagu yiri qoraal raaligelin ah oo kasoo baxay xafiiska arrimaha dibadda ee Jarmalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Qoraalkeena sinnaba looguma talagelin mana loola jeedin xadgudub". Midowga Afrika ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin erayaddan.

Sawirka ay adeegsadeen ee shabeelka ayay ku macneeyeen Taangiyada Jarmalka sameeyay kuwaasoo loo oggolaaday Ukraine si ay isaga caabiso duulaanka uga imaanaya Ruushka.

"Ujeedada qoraalkeena waxay ahayd in aan soo bandhigo been-abuurka iyo marmarsiyada Ruushka u adeegsanayo dagaalka Ukraine ee ah gumeysiga," ayaa lagu soo xiray bayaanka cudurdaarka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM