Kadib 20 sano, Itoobiya oo dib u furatay Safaaradeeda Eritrea [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

ASMARA, Eritrea - Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa 20 sano kadib dib u furtay maanta oo Khamiis ah safaaradeeda ku taala caasimada dalka Eritrea ee Asmara taasoo qeyb ka ah heshiiska soo celinta xiriirka labada wadan.

Munaasabadda dib-furitaanka waxaa goobjoog ahaa Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, Madaxwaynaha Eritrea, Isaias Afwerki iyo mas'uuliyiin sare oo labada dowladood ka kala socday.

Bishii July ee sanadkaan 2018, Ethiopia ayaa safaaradeeda Asmara usoo magacowday Danjire Redwan Hussein, todobaad kadib markii Eritrea ayaa dhankeeda dib u furtay safaaradeeda magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.

Labadaan dowladood ayaa waxaa ka dhaxaysay colaado muddo 20 sano ah, taasoo laga dhax-lay dhimashadda dad badan, laakiin markii uu Abiy Axmed xafiiska la wareegay bishii April 2018 ayey arrimuhu isbedaleen, oo heshiis taariikhi ah laga gaarey.

Abiy Axmed ayaa booqasho lama filaan ah ayuu July 2018 ku tegay Amsara, isagoo kula soo saxiixday magaaladaasi Madaxwayne Afwerki kaasoo lagu soo afjaray colaaddii ka dhaxaysay Eritrea iyo Itoobiya tan iyo 2000.

Dib-ufuridda safaraadaha labadda dowladood ayaa qayb ka ahaa heshiiska ay kala saxiixdeen labadda hogaamiye, taasoo ay sheegeen inay kusoo celinayaan cilaaqadda labadda dhinac.

Eritrea oo horey u ahaa dal ka tirsan Itoobiya ayaa xorriyadda ka qaatay 1993-dii kadib dagaalo ay ku dhinteen dad ka badan 80,000 oo qof ah, kuwaasoo isugu jiray Askar iyo shacab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM