Kalkaaliyeyaal ku dhacay imtixaan luuqada English-ka ah

Image
Tobban kamid ah 300 kalkaaliyeyaal caafimaad oo imtixaankan galay ayaa kaliya guuleystay.

LONDON, Britain - Tobanaan kamid ah shaqaalaha caafimaadka Kenya ayaa ku dhacay imtixaan luqadda Ingiriisiga ah kaasoo ka caawin lahaa inay helaan fursado ay kaga shaqeeyaan Adeegga Caafimaadka Qaranka Ingiriiska ee NHS-ta.

Wasiirka caafimaadka Kenya, Mutahi Kagwe, ayaa xaqiijiyey in 10 ka mid ah 300 oo shaqaale caafimaad ah oo shaqooyinka ka codsaday NHS-ta ay ku guuleysteen imtixaannada.

Ingiriisi iyo Sawaaxili waa luqadaha ugu muhiimsan ee wax lagu baro jaamacadaha iyo machadyada farsamada ee dalka Kenya. Hase ahaatee, natiijadan waxay dhalisay su'aallo badan.

Kenya ayaa bishii Luulyo la saxiixatay UK heshiis u ogolaanaya kalkaaliyadeeda shaqo la'aanta ah iyo dhakhaatiirta kale inay ka shaqeeyaan gudaha boqortooyadda Ingiriiska.

Qorshan ayaa waxaa lagu waramay in uu u furan yahay shaqaalaha caafimaadka Kenya ee aqoonta u leh laakiin aanan wax shaqo qaban tan iyo markii ay waxbarashadda dhameeyeen.

Sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Britain, waxaa xarumaha NHS-ta ka shaqeeya ku dhawaad ​​900 oo Kenyan ah kuwaasoo qabta shaqooyin kala duwan oo dhanka caafimaadka ah.

Caafimaadka wuxuu kamid yahay adeegyadda aas-aasiga ah ee dowlad kasta looga baahan yahay in ay bixiso. Si lamid ah, waa mid kamid ah adeegyadda muhiimka ah ee dowlad kasta looga baahan yahay in ay shacabkeeda ugu fidiso si bilaash ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM