Kenya Airways oo dib u bilaabaysa duulimaadyadda Jabuuti

Image
Faahfaahinta inta jeer ee nooca duulimaadka, kharashka tigidhada iyo wakhtiga ayaan wali caddeyn.

NAIROBI, Kenya - Diyaaradda Kenya Airways ayaa qorsheynaysa inay dib u bilowdo duullimaadyadii ganacsiga ee rakaabka ahaa ee ay ku tagi jirtay dalka Jabuuti, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas.

Talaabadan ayaa soo afjaraysa laba sano oo hakad ah taasoo keentay in shirkadda diyaaradaha ay joojiso shaqadda kadib markii ay dib u billowday duullimaadyadii caalamiga ahaa bishii Ogosto 2020.

Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in wadahadal uu la yeelanayo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar ay keeni karto in shirkadda diyaaradaha Kenya ay dib u billaabaan duullimaadyada dalkaas.

Faahfaahinta inta jeer ee nooca duulimaadka, kharashka tigidhada iyo sidoo kale wakhtiga duulimaadka Kenya Airways ee Jabuuti ayaan weli caddayn.

Ruto ma uusan carabaabin sababta duulimaadka Jabuuti ay mudnaan u siineyso shirkada oo dhaqaalaheeda uu si weyn hoos ugu dhacay sababo ku aadan safmarka Coronavirus.

Jabuuti ayaa ka mid ah siddeedda waddan ee Afrikaanka ah ee Kenya Airways ay joojisay safaradii ay ku tagi jirtey kadib markii ay dib u billowday duulimaadkeeda bishii Ogosto.

Dalalka kale ayaa waxaa ka mid ahaa Angola, Mali, Republic of Congo, Soomaaliya, Sudan, Mozambique iyo Malawi, sidda laga soo xigtey wargeyska Business Daily Africa.

Dib-u-soo-noqoshada duullimaadyada ayaa waxaa la filayaa inay kordhiso dakhliga shirkadda oo diiwaangelisay khasaarihii maaliyadeed ee ugu badnaa muddo sagaal sano oo xiriir ah kadib saameynta safmareenka Covid-19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM