Kenya: Al-Shabaab oo "qafaalatay" shaqaale caafimaad iyo bukaan

Image
Booliska oo shaaciyey in dadka la afduubtey ay tiradooda gaareyso afar ayaa tibaaxay in loosoo kaxeeyay dhanka Soomaaliya.

NAIROBI, Kenya - Labo shaqaale caafimaad, darawalkooda iyo bukaankii la socday ayaa fiidnimadii Talaadada waxaa afduubtay dabley looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, sidda ay booliisku sheegeen.

Sida ku xusan warbixinta booliska, maleyshiyaadka ayaa lahaysteyaasha ula dhaqaaqay dhinaca Soomaaliya iyaga oo sii maray xuudka dhanka degmada Mandheera.

Fahfaahinta ayaa intaas ku daraysa in dabley ay lahaysteyaasha kala dageen gaari ambalaas ah oo ay la socdeen kaasoo ay lahayd dowladda hoose ayna kusii jeedaa Isbitaalka Laffey ee gobolka.

"Kolanyadda waxay kusii jeeday isbitaalka Ceelwaaq si uu bukaanka halkaas uga soo helo daryeel caafimaad," ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxdey taliska booliska degaanka Laffey.

Illaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku saabsan dhacdadan. Hase ahaatee, ma ahan markii ugu horeysay oo fal noocaan oo kale ah ay ka geysato waddanka Kenya.

Weeraradda ay Al-Shabaab ka geysato gudaha Kenya ayaa bilowday tan iyo markii xukuumadda Nairobi ay ciidamo u soo dirtey Soomaaliya si ay uga qeyb-qaataan howlgaladda Midowga Afrika.

Askarta Kenya ee jooga Soomaaliya ayaa tiradooda waxaa lagu qiyaasay in ka badan 3,000 waxaana qeybtooda ugu badan ay ka howlgalaan degaanadda Jubooyinka ee maamulka Jubaland.

Afduubka shaqaalaha caafimaadka ayaa kusoo aadaysa xilli wali kooxda gacanteeda ay baaqi ku yihiin dhakhaatiir u dhashay Cuba kuwaasoo horey looga afduubtey gudaha Kenya lana aaminsan yahay in ay joogaan Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM