Kenya: Al-Shabaab oo todobaad gudahiisa fulisay saddex weerar

Image
Maleyshiyadda ayaa isku dayaysa inay argagax ku abuuraan Lamu, oo ah gobolka loo dalxiiska tago.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada difaaca Kenya (KDF) ayaa lagu dilay degmada Lamu ee dalka Kenya, kaddib markii gaari uu la socday dulmaray walxaha qarxa. Taliska KDF ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqijiyey in shan askari ay kaga dhaawacmeen weerarka midna uu ku dhintay.

Cutubyan ciidan ayaa roondo caadi ah ku joogay deegaanka Mlima Faru ee gobolka Lamu, waxaana ay gaariga ku jiireen miino, sidda laga soo xigtey war-saxaafadeedka.

Qoraalka ayaa waxaa lagu caddeeyay in kuwa xaaladoodu liidato lagu qaaday diyaarad si loogu dabiibo goobo aan la cayimin kuwa kalena ay xaaladoodu soo kabaneyso.

"Dhammaan bahda KDF waxay tacsi u dirayaan qoyska geesigayada dhintay, waxayna u rajeynayaan soo kabasho degdeg ah askarteena dhaawaca ah," ayay tiri KDF.

Waa dhacdadii 3-aad oo muddo toddobaad gudihiis ah ka dhacda degaankaas, iyadoo ay ku dhinteen shan qof, hantina ay ku burburtay, iyadoo ay sii kordhayaan weerarrada ay gobolka xeebta ka geysanayaan dad lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab muddooyinkii u dambeeyay.

Xubno ka tirsan kooxda xagjirka ah ayaa isku dayaya inay argagax ku abuuraan Lamu, oo ah gobolka loo dalxiiska tago, iyo deegaano kale oo ku dhow xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo inta badan weeraro lagu bartilmaameedsado gaadiidka ammaanka ee roondada ah.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya hal todobaad uun ka dib markii maleeshiyada looga shakisan yahay al-Shabaab ay weerar ku qaadeen baabuur ay wateen ciidamada booliska inta u dhaxaysa xerada Hayley Lapsset iyo Gaarisa. Gaariga Booliska ayaa ku sii jeeday Magaalada Gaarisa, waxaana uu ku dul maray walxaha qarxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM