Kenya: Buuq ka dhashay wasiir ku baaqay in lagu "duulo" Suudaan

Image
Xukuumadda Nairobi ayaa ku qasbanaatay in ay iska fogeyso hadalkan kadib cadaadis kaga yimid baraha bulshadda.

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa lagu qasbay in ay dib-u-liqdo hadal buuq dhaliyey oo kasoo yeeray wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga dalkaas kaasoo ku saabsanaa colaadda ka taagan dalka Suudaan.

Moses Kuria oo qoraal ku daabacay baraha bulshadda ayaa beesha caalamka waxa uu ugu baaqay in ay talaabo milatari ka qaadaan ciidamada ku dagaalamaya magaalada caasimada ah ee Khartuum.

"Bulshada caalamka waa in ay si millatari ku galaan dal kasta oo ay ciidamadu afgambiyaan dowladda. Qaylo-dhaanta waxba ma tarto," ayuu Kuria ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Wuxuu raaciyey: “Milatariga ma qaadan karaan dimuqraadiyiinta sababtoo ah mabda'a beenta ah ee faragelinta la'aanta. Midowga Afrika waxa ay diyaarin karaan ciidan xooggan oo Khartoum ku duqeeya kuwa wax is-qarxiya".

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta Kenya ayaa sheegtay in qoraalka Twitter-ka lagu qoray uusan ka tarjumayn mowqifka xukuumadda Nairobi ee xiisadda Suudaan.

"Aragtida shakhsi ahaaneed ee uu muujiyay Moses Kuria ma matasho siyaasadda dawladda ee arrintan adag. Waxaan sii wadeynaa inaan la shaqeyno dhammaan dhinacyada si loogu xaliyo dhibaatada Suudaan si nabad ah," ayuu yiri Dr Korir Sing'oei, Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Iyadoo ra'yiga Mr Kuria ay ka tarjumayso dulqaad la'aanta uu u qabo jeneraalada ku dagaalamaya Suudaan, mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa si gaar ah u sheegay mid la mid ah.

Hadalka wasiirka wuxuu Nairobi gelin karaa xaalad xilli madaxweyne William Ruto uu horey ugu baaqay wada hadal waafi ah soona bandhigay in uu dhexdhexaadiyo Jeneraalada si loo gaaro xalad nabadeed oo waara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM