Kenya: Nin dib ula midoobay qoyskiisa 51 sano kadib markii la waayay

Image
Source of the picture: Citizen TV

NAIROBI, Kenya - Tuulada Homa Bay ee galbeedka dalka Kenya, ayaa waxaa looga dabaaldegayaa soo laabashada oday 81 jir ah oo la la’aa mudo 51 sano ah kadib markii laga waayay gurigiisa sanadkii 1972-kii.

Joseph Odongo wuxuu ka tagay gurigiisa oo ku yaal tuulada Riwa, markii uu jiray 30 sano. Tani waxay ka dambeysay kadib markii ay is afgaran waayeen qaar ka mid ah xubnaha qoyskiisa.

Tuulada, qof da'diisu ka yar tahay 60 sano ma aqoonsan karin markii uu guriga ku soo laabtay, qof kasta oo dhashay ka dib markii uu ka tagay kaliya wuxuu maqlay sheekadiisa laakiin waligiis ma arkin.

Mzee Odongo waxa uu sheegay in go'aankiisa uu kaga tagayo guriga uu ahaa kadib markii ay khilaafeen walaalkii oo hadda dhintay.

Waxa uu u sheegay dhawr xubnood oo qoys ah inuu aadayo xeebta Sikri oo ku taal meel dhawr kiiloomitir u jirta gurigiisa. Balse taa beddelkeeda waxa uu u guuray Mombasa halkaas oo uu ku sugnaa.

Maadaama habka isgaarsiineedku uu ahaa dhibaato wakhtigaas, way adkeyd in la raadiyo. Qoyskiisa ayaa ku xukumay in laga yaabo inuu dhintay.

Walaashiis Matasia Akelo, oo 90 jir ah si kastaba ha ahaatee waxay lahayd fikrad ka duwan. Waxay had iyo jeer ku tukan jirtay in mzee Odongo uu ku soo laabto guriga.

Markii dib la isugu soo laabtay Mzee Odongo ayaa qoyskiisa u sheegay in uu ku noolaa magaalada Likoni ee ismaamulka Mombasa, halkaasi oo uu ilaalo ahaan uga shaqeynayay.

Madaxa Tuulada Kenneth Achieng ayaa sheegay in ninku uu u lugeeyay xafiiskiisa oo ku yaala Kabunde isaga oo raadinaya caawimo ka hor inta uusan dib ula midoobin qoyskiisa.

Source: Citizen TV

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM