Kenya oo 3 shardi ku xirtay xalinta khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Kenya ayaa hor-dhigtay Soomaaliya 3 shuruud, kuwaasoo ay u aragtay xalka xiisada diblumaasiyadeed ee ka dhalatay muranka dhanka badda, kaasoo kiiskiisa uu haatan horyaallo maxkamada Cadaalada Aduunka, ICJ.

Inkastoo qodobadaan aanu ahayn kuwa si rasmi ah uga soo baxay xukuumada Nairobi, hadana warbaahinta maxaliga ah ee wadankaasi ayaa kasoo xigatay mas'uuliyiin ka tirsan dalkaasi.

Qodobada kala ah:

1. Kenya ayaa dooneysa in Somalia ay ka laabato qariirada ay kusoo bandhigtay shirkii London, kaasi oo ay Nairobi aaminsan tahay in uu yahay dhulka lagu muran-san yahay ee xukunka laga sugayo.

Hasa yeeshee, DFS ayaa garabka ku dhufatay sheegashada Kenya, iyada oo tilmaamtay in qariirada ay soo bandhigtay uu ku yaallo dhulkeeda, waxayna dalbatay in aanu laga horudhicin go’aanka maxkamada.

2. Kenya waxay rabtaa in shirkadaha iibsaday xirmooyinka Shidaalka iyo Gaas lagu wargeliyo inaanu goobtaasi lahayn Soomaaliya.

Balse, dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in aanu jirin wax xirmo ah oo ay iibisaday, waxayna ku waanisay Kenya in aanu dhaqdhaqaaq hal dhinac aanu ka sameynin goobta lagu doodsan yahay inta maxkamadu xukun ka ridayso.

3. Kenya ayaa u ol’olaleynaysa in kiiska laga soo wareejiyo maxkamada cadaalada, islamarkaana si is-afgarad ah lagu xaliyo arrintaan.

Laakiin, xukuumada Muqdisho ayaa tilmaamtay in xal looga gaaro arrintaan qaab diblumaasiyadeed ay fashilmeen, ayna dooneyso in lagu kala baxo maxkamada.

Kenya ayaa ku doodeysa in ICJ aanu awood u lahayn in ay xukunto kiiskaan, hasa yeeshee, maxkamada ayaa daboolka ka qaaday in ay u kala dabqaadi karto labada dowldood ee dariska ah, kuwaasi oo isku dhegan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM