Kenya oo Albaabada u furaysa muwaadiniinta Afrika

Image

NAIROBI (GO) - Dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in dhamaadka sanadkaan ay VISA la'aan dalkaasi ku geli karaan dhamaan muwaadiniinta Afrikaanka ah.

Madaxweyne Uhuro Kenyata oo dalka Congo uga qeyb galaya shirka ilaalinta Keymaha ayaa sidaasi sheegay.

"Hadii Afrikaanka laga xiro Iridaha Yurub anagana aan ka xirno Iridaha Afrika dhamaanteen waan khasaaraynaa" ayuu yiri.

Isaga oo sii hadlaya waxaa uu ku dhawaaqay in dhamaadka sanadkaan ay ka dhigayaan in VISA la'aan ay Kenya booqan karaan dhamaan muwaadiniinta Afrika.

Dalalka Seychelles, Gabon iyo Benin ayaa ahaa kuwa kaliya ee muwaadiniinta Afrika ay ku booqan karaan VISA la'aan.

Midawga Africa ayaa 2016 ku dhawaaqay Passport ka midaysan ee Qaarada balse hadana wali ma hirgelin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM