Kenya oo Albaabada u furaysa muwaadiniinta Afrika

Image

NAIROBI (GO) - Dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in dhamaadka sanadkaan ay VISA la'aan dalkaasi ku geli karaan dhamaan muwaadiniinta Afrikaanka ah.

Madaxweyne Uhuro Kenyata oo dalka Congo uga qeyb galaya shirka ilaalinta Keymaha ayaa sidaasi sheegay.

"Hadii Afrikaanka laga xiro Iridaha Yurub anagana aan ka xirno Iridaha Afrika dhamaanteen waan khasaaraynaa" ayuu yiri.

Isaga oo sii hadlaya waxaa uu ku dhawaaqay in dhamaadka sanadkaan ay ka dhigayaan in VISA la'aan ay Kenya booqan karaan dhamaan muwaadiniinta Afrika.

Dalalka Seychelles, Gabon iyo Benin ayaa ahaa kuwa kaliya ee muwaadiniinta Afrika ay ku booqan karaan VISA la'aan.

Midawga Africa ayaa 2016 ku dhawaaqay Passport ka midaysan ee Qaarada balse hadana wali ma hirgelin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM