Kenya oo askar looga dilay qarax looga shakisan yahay Al-Shabaab

Image
Weerarkan ayaa waxa uu imaanayaa xilli laamaha ammaanka la geliyey heegan aad u sareeyo.

NAIROBI, Kenya - Saddex askari oo ka tirsanaa booliiska Kenya ayaa la wariyey in ay dhinteen kaddib markii gaari ay la socdeen uu dulmaray qarax miino oo loogu aasay degmada Gaarisa, sida ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah.

Saraakiisha ayaa, sidda ay kasoo xigatay Idaacadda Capital FM, waxay sheegeen in ciidamadan oo ka tirsan kuwa ilaalada xuduudaha ee maamulka ay ku sii jeedeen magaalada Gaarisa.

Mas'uuliyiinta ammaanka ayaa tuhunsan in falkan ay ka dambeeyeen dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab oo ah xoogag gacansaar la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

Magaalada Gaarisa ee ku taalla xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa weli ka taagan cabsi laga qabo weeraro kaga imaanaya dhanka kooxda Al-Shabaab.

Baqdintan ayaa waxay la xiriirtaa xadka baaxadda leh oo aad u ballaaran, taasoo fududeysay in kooxaha argagixisada ah ay gudaha u soo galaan  oo ay weeraro ka geystaan.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya bil kadib markii afar qof ku naf waayeen weerar rag looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay ku qaadeen kolonyo ay la socdeen Injineerada Hay’adda Wadooyinka Kenya ee Gaarisa.

Todobaadki hore, wasiirka arrimaha gudaha Kenya Kithure Kindiki ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka ay sare u qaadeen ilaalinta xuduudaha si looga hortago in kooxaha xagjirka ah ee fadhigoodu yahay Soomaaliya galaan gudaha dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM