Kenya oo cabsi ka qabta weeraro lagu abaabulayo Soomaaliya

Image

MANDHEERA, Kenya - Gudoomiyaha Mandheere, Fredrick Shisia ayaa sheegay in ciidamada gobolka ay geliyeen Feejignaan dheeri ah, kadib markii hareeraha Ismaamul goboleedka ay ku arkeen sida uu sheegay dagaalyahano hubeysan oo Al-Shabaab ah.

Wuxuu tilmaamay in dagaalyahanadaan ay qorsheysan inay weeraro ay ka fuliyaan gudaha Magaaladda, isagoo hadalkiisa ku daray inay beegsan doonan xarumaha dowladda, iyo goobaha kale oo ay dadku isugu yimaadaan.

Shacabka deegaankiisa ayuu ka codsaday inay laamaha amaanka ay kala shaqeeyaan nabad-gelyadda iyo gobolka guud ahaan xasilooni dhanka amanniga loogu soo dabaali lahaa.

Hadalka kasoo yeeray Gudoomiyaha magaaladda Mandheera ee dalka Kenya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa maalmo un kadib markii dowladdaha Kenya iyo Mareykanka ay Liiska Argigixisada Faraca Al-Shabaab ee dalka Kenya, taasoo loo yaqaan Al Hijra.

Sidoo kale, labadda dowladood ayaa madaxa hogaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Al Hijra ee Axmed Iimaan dul-dhigay qiimo lacageed dhan 3 milyan oo dollae, oo ay sheegeen inay siin doonan qofkii keena macluumaad lagu khaarijin karo hogaamiyahaan.

Al-Shabaab ayaa weeraro ka fulisa dalka Kenya, oo kamid ah dalalka ay ciidamada ugu yaboohay howlgalka midowga Africa ee AMISOM, kaasi oo mudo 10 sano ah dagaal kula jira Kooxda oo doonaysa inay meesha ka saarto dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM