Kenya oo ciidamo dheeraad ah dhigtey xuduudka Soomaaliya

Image
Talaabadan ayaa salka ku haysa adkeynta amniga kadib heshiiskii dib-u-furidda sohdinta.

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa xoojisay dadaallada lagu xakameynayo ganacsiga sharci darrada ah ee ka socda xeebaha dalkaas, kadib markii dib loo furay soohdinta uu la wadaago Soomaaliya.

Saraakiil amni oo dheeraad ah ayaa lasoo dhoobay xuduudka uu la wadaago si ay uga hortagaan ganacsiga sharci daradda. Tani waxay ku soo beegantay hal toddobaad uun kadib markii ay Kenya ogolaatay in si rasmi ah dib loogu furo xarumihii xuduudaha ee ismaamulada Mandera, Lamu iyo Garissa 90-ka maalmood ee soo socda.

Hay’adda Canshuuraha ee Kenya (KRA) ayaa shaqaalaheeda Kastamka iyo Xakameynta Xuduudaha u dirtay Lamu, waxayna kala shaqeyneysaa Ilaalada Xeebaha Kenya si ay u ilaaliyaan qeyb ka mid ah Badweynta Hindiya.

Wasiirka arrimaha gudaha Kithure Kindiki iyo dhiggiisa Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh ayaa isku afgartay in la soo afjaro go’doominta 12-ka sano ah ee soo jirtay 2011-kii, markii ay billaabeen duullaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya, si ay ula dagaalamaan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Qorshahan wajigiisa ah, Bula Xaawo oo ka tirsan degmada Mandheera ayaa noqonaysa sohdinta ugu horreysay oo muddo 30 maalmood ah dib loo furo, waxaana ku xiga Liboi (Garissa) oo muddo 60 maalmood ah dib loo furayo, halka Ras Kambooni (Lamu) ay 90-maalmood gudaheed qaadan doonto.

Dib u furista saddexda goobood ee xadka ayaa la filayaa in ay sare u qaaddo isu-socodka dadka iyo badeecadaha u kala goosha Kenya iyo Soomaaliya.

Xiritaanka xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa sanadkii 2011 waxaa soo rogay maamulkii madaxweyne Mwai Kibaki kadib weeraro badan oo Al-Shabaab ay ka fuliyeen gudaha dalkaasi.

Dhaxalsugaha Kibaki, Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa adkeeeyay xiritaanka sanadkii 2019-ka isagoo mamnuucay ganacsiga xuduudaha isaga gudba meelaha sida aagga Kiunga ee ismaamulka Lamu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM