Kenya oo go'aan cusub ka qaadatay xukunka ICJ ee kiiska badda

Image
Maxkamadda cadaaladda aduunka ayaa dhowaan taageertay dooda Soomaaliya ee dacwadda badda.

NAIROBI, Kenya - Taliyaha militariga dalka Kenya Janaraal Robert Kariuki Kibochi ayaa sheegay in guulo la taaban karo ay militariga Kenya guulo ka gaareen howlgalkii loogu magac-daray 'difaaca dalka' ee ay ku galeen soomaaliya toban sano kahor.

Mr Kibochi ayaa sheegay in ay hoos u dhigeen halista Kenya kaga imanaysay Al-Shabaab.

"Waxaan howlgalka 'difaaca dalka' aan qaadnay 14 october 2011 , muddo 6 bilood ah ka dib u jeedadeenii waan gaarnay," ayuu yiri Janaraal Kibochi. Waxaa uu intaa ku daray in ujeedadii ay Soomaaliya u galeen ay ahayd in ay ka hortagan khatartii Kenya uga imanaysay ururla Al-Shabaab.

"Ujeedada xilligaasi aan Soomaaliya u galnay waxay ahayd anaga oo ka jawaabayna daandaansigii Al-shabaab," ayuu yiri taliyaha.

Taliyaha militariga dalka Kenya Robert Kariuki Kibochi oo wareysi gaar ah siinayay telefishinka maxaliga ah ee Citizen ayaa xusay in Kenya markii ay Soomaaliya galeysay ay difaacaysay madaxbanaanideeda.

Taliyaha militariga dalka Kenya ayaa farta ku fiiqay in goobaha ay ka saareen Al-shabab ay imika amni yihiin, isaga oo tusaale u soo qaatay magaalada Kismaayo.

"Haddii maanta aad booqato ciidamadeen Kismaayo ma rumeysanaysid, sababtoo ah nolasha ka jirta Kismaayo. Ganacsi badan ayaa ka socda, kama jirto khatar Al-shabaab sababtana waa Amisom oo aan annaga qeyb ka nahay," ayuu yiri Janaraal Kibocha.

Mr Kibicho ayaa dhanka kale sheegay in uu jiro qorsho dib u habeyn loogu sameynayo howlgalka Amisom ayna diyaar u yihiin in ay qeyb ka noqdaan.

"Soomaaliya ma jirto nabad la ilaaliyo sidaasi daraadeed waxaad u baahan tahay ciidamo doonaya in ay hor istaagaan halista ka imanaysa Al-shabaab," ayuu yiri Janaraal Kibochi.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in xitaa haddii dib u habeyn lagu sameeyo Amisom wali dalalkii qeybta ka ahaa howlgalka Amisom aan laga maarmi doonin.

"Shanta dal ee imika qeybta ka ah Amisom Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda iyo Burundi, dalalka waa kuwa muujiyay rabitaan ay kula dagaalamayaan Al-Shababb sida aan rumeysnahay dalalkan wali waa kuwa muhiim u ah isbadalka lagu sameynayo Amisom," ayuu intaa ku daray.

BBC + GO

Related Articles

Itoobiya oo cambaareysay hadal kasoo yeeray Mareykanka

Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in aan lagala tashan hadalada kasoo yeeray Washington.

  • Afrika

    17-05-2024

  • 03:43AM

Mareykanka oo soo farageliyay colaadda ka taagan gudaha Itoobiya

Isku-dhacan ayaa u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo falaagada fano ee gobolka Amxaarada.

  • Afrika

    16-05-2024

  • 03:34AM