Kenya oo jago cusub ka qabatay Golaha Ammaanka UN-ka

Image
Tani ayaa kusoo aadaysa xilli maxkamadda ICJ la filayo in ay shaaciso xukunka dacwadda badda.

NEW YORK, USA - Dowlada Kenya ayaa Jimcaha todobaadkii lasoo dhaafay waxay la wareegtay xilka madaxtinimada meertada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee bishaan bilowga ah ee Oktoobar.

Kenya, oo bishii Juun 2020 muddo laba sano ah loo doortay xubinimada aan joogto ahayn ka ah Golaha ay ku weheliyaan India, Ireland, Mexico iyo Norway, ayaa guddoomin doonta shirarka golahan ka kooban 15-ka dal.

Ajandaha ugu sarreeya waa arrimaha nabadda iyo amniga gobolka, tahriibinta hubka, sinnaan la'aanta tallaalka Covid-19, aqoonsiyada qowmiyadeed, isbeddelka cimilada iyo xiriirka kooxaha gobolka.

Muddo xileedka Kenya ayaa imanaya xilli ay jirto walaac isa-soo-taraya oo ku saabsan qaybinta tallaallada adduunka oo dhan oo Afrika ugu yar tahay.

Martin Kimani, oo ah Wakiilka Joogtada ah ee Kenya u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa sheegay habeenimadii Khamiista in hogaaminta Golaha ay tahay mas’uuliyad weyn, laakiin wuxuu xaqiijiyey in Kenya ay u taallo hawsha.

Dalalku waxay guddoomiyaan kulamada Golaha muddo bil ah iyadoo meertada lagu saleeyo kala horeynta xarfaha luuqada English-ka dal kasta oo kamid ah golahan awooda badan.

Golaha Ammaanka, oo ah hay'adda Qaramada Midoobay ee ilaalisa nabadda iyo amniga caalamiga ah, ayaa la filayaa in qaar kamid ah shirarka uu guddomiye madaxweyne Uhuru Kenyatta isaga oo jooga Nairobi.

La wareegitaanka Kenya ee shir-guddoonka golaha ammaanka ayaa kusoo beegmaya xilli Maxkamada Cadaalada Aduunka ICJ lagu waddo in 12-ka bishan October shaaciso xukunka dacwada badda Muqdisho iyo Nairobi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM