Kenya oo ka hadashay qarax ay Al-Shabaab uga dishay askar

Image
Weerarkan ayaa Talaadadii ka dhacay gobolka Garissa ee waqooyi bari oo xuduud la leh Soomaaliya.

NAIROBI, Kenya - Sideed sarkaal oo ka tirsan booliska Kenya ayaa ku dhintay qarax haleelay baabuurkooda oo la tuhunsan yahay inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, waxaa sidaas sheegay booliska.

Qaraxa ayaa Talaadadii ka dhacay gobolka Garissa ee waqooyi bari oo xuduud la leh Soomaaliya. “Waxaan weerarkan ku weynay sideed sarkaal oo boolis ah,” waxaa sidaas yiri madaxa booliska gobolka Waqooyi Bari John Otieno.

“Waxaan tuhun sannahay in tani ay tahay shaqada Al-Shabaab, kuwaas oo beegsanaya baabuurta ciidamada ammaanka iyo kuwa dadweynaha," ayuu hadalkiisa ku daray.

Kenya ayaa markii ugu horreysay ciidamo u dirtay Soomaaliya 2011 si ay ula dgaalamaan Al-Shabaab, waxaana hadda ay ka mid tahay dalalka ciidamada ugu badan ku tabaruca howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Hase yeeshee waxaa dalkaas ka dhacay weeraro aargudasho ah, oo ay ku jiraan weerar Westgate Mall ee Nairobi oo 2013 lagu dilay 67 qof, iyo weerarkii Jaamacadda Garissa ee 2015 oo lagu dilay 148 qof.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale weeraro dhimasho leh weli kasii wadda Soomaaliya, inkasta oo dowladda ay bishii August ee sanadkii tegay billowday holwgal xooggan oo ka dhan ah kooxda.

Mid ka mid ah weeraradii ugu xumaa ee kooxda ay qaado ayaa lagu dilay 54 askari oo Ugandan ah kadib markii ay gashay saldhig ay ciidamada ATMIS ku leeyihiin deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose 26-kii May, sida uu xaqiijiyey madaxweynaha Uganda Yoweri

Museveni.

Sidoo kale, booliska Soomaaliya ayaa Sabtidii sheegay in lix qof oo shacab ah lagu dilay markii Al-Shabaab ay weerar ku qaaday hotelka Pearl Beach oo ku yaalla xeebta Liido ee Muqdisho.

AFP + VOA

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM