Kenya oo Maraykanka u gacangalisay nin Soomaali ah oo 100 maroodi diley

Image

NAIROBI, Kenya- Dowladda Kenya ayaa tan Maraykanka ku wareejisay Cabdi Xuseen Axmed oo muddo dheer uu Maraykanka doondoonayay.

Ciidanka Kenya ayaa ninkani kasoo qabtay degmada Meru, gaar ahaan magaalada jaadka laga raro ee Maua, waxaana haatan loo duuliyay dalka Maraykanka, halkaas oo ay uga bilaabanayso maxkamad.

Ninkan ayaa loo haystaa ugaadhsiga sharcidarada ah ee duurjoogta sida maroodiga iyo wiyisha, isaga oo foolka ka iibsanayay dad jooga Maraykanka iyo meelo kale.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in Cabdi Xuseen uu ugaadhsigan ka sameeyay lacag dhan $7 milyan oo doolar, isaga oo maroodiyo badan ku laayay wax ka badan 6 dal oo Afrika ku yaala.

Wuxuu dilay 100 maroodi iyo 35 wiyil, kuwaas oo ku kala dhaqnaa Kenya, Uganda, Tanzania, Congo, Mozambique iyo Senegal, sida ay sheegtay wakaaladda ka hortagga daroogada Maraykanka ee DEA oo madaxiisa saartay lacag badan oo abaalmarin ah ciddii soo sheegta.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM