Kenya oo muddeysay xilliga Soomaaliya fasaxeyso qaadka

Image
Xukuumadda Nairobi ayaa soo bandhigtey goorta ay labada dal kala saxiixanayaan heshiiskan.

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa ku dhow inay furto suuqa Miraa ee Soomaaliya iyadoo heshiis la filayo in la saxiixo horraanta Luulyo, sidda uu ku waramay wargeyska THE STAR.

Wasiirka beeraha Kenya, Peter Munya, ayaa Sabtidii shaaca ka qaaday in wadahadalada u dhexeeya labada dal ay galeen "xadka wanaaga" iyadoo heshiis la filayo laba toddobaad gudahood.

"5-ta Luulyo, heshiiska waxaa lagu saxiixi doonaa halkan Nairobi," ayuu Munya yiri. Ma bixin fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cidda kala saxiixaneysa heshiiskaas.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin hadalka kasoo yeeray Nairobi. Isku-dayo warsidaha Garowe Online u sameeyay qadiyaddan ayaanan marnaba guuleysan.

Soomaaliya ayaa intii uu joogay nidaamkii Farmaajo hakisay qaadkii laga keeni jiray Kenya labo sano ka hor 19-kii Maarso, 2020, iyadoo sabab looga dhigayo xayiraadaha Covid-19.

Hakinta ayaa, si kastaba ha ahaatee, aan marna la qaadin kadib markii uu soo shaac baxay khilaaf diblumaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal kaasoo ka dhashay kiiska dacwadda badda.

Mamnuucidda ayaa keentay in suuqa maalinlaha ah loo waayo in ka badan 50 tan oo qaad ah oo markaas lagu qiimeeyay in ka badan 20 milyan oo shilinka Kenya ah, sida xogta muujineyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo sheegtay inay iska difaacayso “duullaan ballaaran” oo Eritrea ku soo qaaday

Dagaallada dib u soo cusboonaaday ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in gobolka Geeska Afrika uu galo dagaal ballaaran.

  • Afrika

    10-10-2026

  • 11:27AM

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM