Kenya: Weeraro ay fulisay Al-Shabaab oo hakiyey mashaariic

Image
Talaabadan ayaa lagu fasiray si ay hay’adaha ammaanka u helaan waqti ay wax kaga qabtaan dhibaatada amni-darrada.

NAIROBI, Kenya - Weerarada argagaxisada ee sii kordhaya ayaa ku qasbay madaxda hay'adaha ammaanka inay joojiyaan dhismaha wadada muhiimka ah ee isku xirta Kenya iyo South Sudan.

Shaqaalaha mashruuca Waddada isku xira Lamu Port-South Sudan-Ethiopia-Transport (LAPSSET) ayaa todobaadkii hore loo sheegay in shaqada la hakiyay muddo lix toddobaad ah si ay hay’adaha ammaanka u helaan waqti ay wax kaga qabtaan dhibaatada amni-darrada.

Ugu yaraan 14 qof ayaa dhimatay tan iyo markaas. Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Algeis Malhadhon Adam oo u dhow xerada booliska ee Bodhai. Saddex gaari ayaa waxyeelo soo gaartay kadib markii lagu dhuftay walxaha qarxa.

11-kii Janaayo, afar Injineer ah ayaa la dilay kadib markii gaari ay wateen lagu qarxiyay walxaha qarxa oo la sheegay in ay ka dambeeyeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Diseembar 21-keedii, saddex qof oo ay ku jiraan laba sarkaal oo booliis ah ayaa lagu dilay inta u dhaxaysa xerada Hayley Lapset Camp iyo Gaarisa isla weeraro noocaas la mid ah.

Diseembar 30-keedii, Al-Shabaab waxay soo dhigtay walxaha qarxa wadada Mlima Faru ee Lamu halkaasoo uu ku dhintey hal askari shan kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii baabuur ay wateen uu dul maray.

Deegaankan ayaa ku dhow xadka ay wadaagaan wadamada dariska ah ee Kenya iyo Soomaaliya oo ay dhowr jeer oo hore weerarro ku qaadeen kooxo argagaxiso ah.

Kenya ayaa sanadkii 2015-kii bilowday dhismaha darbi dhererkiisu dhan yahay 700-km, si ay uga hortagto weeraradda Al-Shabaab. Hase ahaatee, qorshahaas ayaa u muuqda mid aanan miro-dhalin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM