Khasaaraha dhimasho ee weerarkii Nairobi oo korodhay

Image

NAIROBI, Kenya - Taliyaha ciidamada Booliska ee dalka Kenya, Joseph Boinnet, ayaa shaaciyay in khasaaraha dhimasho ee weerarkii ay rag ka tirsan Al-Shabaab ay ku ekeeyeen Hoteel-ka Dusit-ka 2aad ay korodhay.

Boinnet oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ayaa daboolka ka qaaday in geerida ay haatan mareyso 21 ruux, isaga oo aanan meesha ka saarin suurtagalnimada in dhimashada ay intaan kasii badato.

Taliyaha ayaa wuxuusan soo hadal-qaadin tirakoobka rasmiga ah ee dhaawaca, balse, warbaahinta waxay gaarsiinaysaa in ka badan 50 ruux, kuwaasi oo qaarkood ay liidato xaaladooda caafimaad.

"Waxaan idin xaqiijin karnaa geerida 21 qof oo aanan waxba galabsan oo ay argagaxisada ku dishay weerarkii Hoteelka DusitD2 ee dhismaha Riverside," ayaa laga soo xigtay Taliyaha guud ee Booliska Kenya.

Dhanka kale, war qoraal ah oo uu Talisku soo saarey ayaa lagu sheegay in lasoo xiray labo ruux kuwaasi oo lagu tuhmayo inay fududeeyeen duulaanka, kaasi oo ay mas'uuliyadiisa qaadatay xoogaga Al-Shabaab.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa tabinaysa in ciidamada la dagaalanka argagaxisada ah gacanta ku dhigeen gaari ay isku nooc-yihiin midkii ay dableyda ku tageen Hoteelka, kaasi oo ay isaga mid yihiin dhinac kasta.

Ciidamada ayaa xabsiga utaxaabay mulkiilihii gaarigaas kaasi oo ay su'aallo ku waydiinayaan xabsiga, iyadda oo waxyaabaha la waydiinayo ay kamid tahay xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo kooxdii qaaday weerarka.

Madaxwayne Uhuru Kenyatta oo si adag uga fal-celiyay dhacdada ayaa faray ciidamada inay cadaalada horkeenan maskaxdii ka dambeysay weerarkaan oo noqonaya midkii ugu cuslaa 3-sano kadib oo ay Shabaab ka geysato Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM