Laacib caan ah oo hal sano oo xabsi ah loogu xukumay iibinta Shiishad

Image

NAIROBI, Kenya - Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa Jimcadii ku heshay ciyaaryahan caan ka ah wadankaasi saddex gal-dacwadeed oo culus.

Eedaymaha loo haysto xidigaan ka tirsanaa kooxaha Harambee Stars iyo Mathare United ayaa ah; iibinta Shiishad, maan-dooriye iyo dhiirogelinta cabistooda.

Xeer-beegtada ayaa ku xukuuntay Jamaal hal sano iyo saddex bilood oo xabsi ah ama bixinta ganaac lacageed oo dhan 595 oo dollar.

Laacibkaan hadda ka tirsan naadiga Al-Nasr ee dalka Cumaan ayaa racfaan 14 maalmood ah ka qaatay xukunkaasi.

Ugu yaraan waxaa la rajeynayaa in laga dhimo mudada sanad ee lagu xukumay, taasoo hoos u dhigaysa ganaaxa lacageed ee la dul-dhigay.

Dadwaynaha ayaa aad u hadalhaya arrintaan, iyaga oo is waydiinaya waxa ku qasbaya ciyaaryahankaan in uu dambiyadaan sameeyo.

Kenya ayaa safka hore kaga jirta wadamada ay dowladahooda u caal-waayeen xakameynta maandooriyaha, kuwaasi oo amni darada qayb ka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM