Lacag lagu soo qariyay gaari Qaad u siday Somaliland oo la qabtay

Image
Image
Image
Image
Image

JIGJIGA, Soomaali Galbeed – Mas'uuliyiinta kastamka heer federaal ayaa caasimada dowlad degaanka Soomaalida ku qabtay lacag lagu soo qariyay gaari xamuul ah oo Qaad u siday Somaliland.

Sidda ay sheegeen saraakiisha waaxdaasi, lacagta oo si sharci darro ah lagu dhoofinayay ayaa isugu jirta dollar-ka Mareykanka, Riyaalka Sacuudiga iyo Dirhamka Isu tagga Imaaraadka.

Wadar ahaan dollar-ka la qabtay ayaa gaareysa 182,247, halka Riyaalka Sacuudiga uu dhan yahay 235,375 xili Dirhamka Imaaraadka la sheegay in cadadiisu tahay 110,920.

Waaxda Kastamka heer federaal ee gacanta ku dhigtaan lacagtaan ayaa nan warin hadii ay jiraan shaqsiyaad ay qabatay, wallow warar soo baxaya ay tibaaxayaan in la hayo wadadihii gaariga iyo ruux kale.

Wali arrintaan kama uusan hadlin maamulka dowlad degaanka si lamid ah Somaliland ayaa nan wali ka fal-celin, inkasta oo warsidaha Garowe Online isku dayay balse kama aysan jawaabin dalabkeena.

Itoobiya ayaa la daalaadhaceysa dhibaatooyin dhanka lacagaha ah xili suuqa madow ee lagu kala iibsado badeecadaha uu ka noqday wax iska caadi ah wallow dowlada ay dagaal adag kula jirto.

Somaliland iyo xukuumada Addis Ababa waxaa ka dhaxeeya xiriir ganacsi oo hal dhinac uu faa'iido ku qabo, maadaama Hargeysa aysan lahayn wax soo saar ay u dhigma midka uga yimaada gudaha Itoobiya.

Khaadka kasoo go'a beeraha Itoobiya ayaa suuqa ugu wayn ee uu ka haysto Soomaaliya waa degaanada Somaliland, halkaasi oo maalin kasta ay la geeyo tobanaan gaari oo maandooriyahaasi sidda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM