Lamaane dhowaan aqal-galay oo lagu dilay Cameroon

Image

NAIROBI, Kenya - Dabley ayaa magaalo ku taalla Cameroon waxa ay ku dishay sagaal qof oo ay ku jiraan lamaane dhowaan is-guursadey.

Lamaanahan ayaa lagu kala magacaabaa Simplice Lontsi Tsomene oo 37-jir ah iyo Hélène Raisa Tanga oo 25-jir ah.

Qoyskan ayaa ifka uga tagay saddex caruur ah waxaana ay lahaayeen tukaan lagu iibiyo telefoonada gacanta.

Weerarka lagu khaarijiyey ayaa ka dhacay magaalada Bamenda oo caan ku ah ku hadalka luuqadda English-ka.

Mas’uuliyiin ayaa weerarkan waxa ay ku eedeeyeen koox gooni-u-goosad ah balse waxaa fuliyey labo ruux oo afka soo xirtey.

Kooxdan oo dagaal wada tan iyo 2017-kii ayaa dooneysa in ay sameeyaan dal lagu magacaabo Ambazonia.

Hay’adda Amnesty International ayaa horey ula xiriirisay kooxdan dilal qorsheysan oo lagu beegsadey dad caan ah.

Jabhadan ayaa caan ku ah magaca “Black legs” taas oo marka la turjumo noqoneysa “Kooxda Lugaha Madow”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM