Lix dal Afrikaan ah oo soo rogay xayiraad dhinaca internet-ka ah

Image
Lix waddan ayaa kala ah Itoobiya, Guinea, Mauritania, Senegal, Sudan iyo Tanzania.

NAIROBI, Kenya - Shirkad dhinaca amniga internetka ka shaqeysa ayaa sheegtay in lix waddan oo Afrikaan ah, oo ay ku jirto Suudaanta ay dagaalladu aafeeyeen, ay soo rogeen xaddidaadda internet-ka gudaha dalkooda qeybtii hore ee 2023-ka.

Surfshark oo fadhigeefu yahay Netherlands ayaa sheegay in tani labanlaab ka badan tahay waddammada isla bilaha 2022.

Lix waddan ayaa kala ah Itoobiya, Guinea, Mauritania, Senegal, Sudan iyo Tanzania.

Itoobiya, oo soo rogtay xiritaanka internetka sababo la xiriira qalalaasaha qowmiyadeed ee dalka ka jira, ayaa dhawaan qaaday xayiraadii.

Xayiraad ayaa weli ka jirta dalka Suudaan, waxaana uga sii darnaa saameynta dagaallada socda, kuwaasoo waxyeello u geystay kaabayaasha dhaqaalaha iyo korontadii laga jaray deegaanno badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM