Madaxwaynaha DDSI oo beeniyay warar laga baahiyay [DAAWO]

Image

JIGJIGA, Itoobiya - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafa Maxamed Cumar "Cagjar", ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu khilaaf kala dhaxeeyo Gudoomiyaha xisbiga talada haya, Axmed Shide.

Mustafa oo magaalada Jigjiga kaga qaybgalay kulan uu ku sugnaa hogaanka sare ee xisbiga ayaa ku adkeystay in haatan aanu jirin khilaaf, balse, wuxuu qiray inay kala aragti-duwaanshiyo soo kala dhex-gashay.

Isagoo sii hadlayay, Mustafa ayaa hoosta ka xariiqay in kala feker duwaanshaha ay diyaar u yihiin inay ku xaliyaan qaab wadahadal iyo isfaham ah, islamarkaana loo turayo danaha shacabka.

Dhanka kale, Madaxwayne ku xigeenka DDSI, Aadan Faarax, oo kulanka qayb ka aha ayaa, difaacay midowga xisbigooda iyo midka majaraha uhayo guud ahaan Itoobiya, kaasi oo lagu magacaabo EPRDF.

"Su’aasha muhiimka ah ee loo baahan yahay inaynu ogaano waa taasi…Sababtu waa inuu Xisbigu ku feker yahay midka degaanka oo ah Dimuqraadiyad iyo horumarinta shacabka,” ayuu raaciyay.

Ugu dambeyntii, Gudoomiyaha xisbiga degaanka, ESPDP, Axmed Shide, ahna sidoo kale, Wasiirka Maaliyada Federaalka, oo ka hadlay colaada Soomaalida iyo qowmiyadaha kale ee Itoobiya ayaa ugu baaqay nabad iyo wada-noolaansho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM