Madaxwayne dacwad loogu soo oogay in uu xukunka isku dhejiyey

Image
Talaabooyinka uu qaadey Kais Saied waxaa qeyb ka ah kala dirida baarlamaanka iyo ceyrinta ra'iisul wasaaraha.

TUNIS, Tunisia - Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Tunisia ayaa u gudbiyay maxkamad dacwad ka dhan ah madaxweyne Kais Saied markii uu ku xadgudbay dastuurka oo uu shaqada ka joojiyey baarlamaankii bishii hore.

Bichr Chebbi, oo ka tirsan xisbiga Ennahdha, ayaa ku eedeynaya madaxweynaha awood sheegasho iyo in uu adeegsanayo awoodda milateri si uu u xiro baarlamaanka.

Xisbiga Ennahdha, oo ah xisbiga ugu weyn haysatana guud ahaan aqlabiyada xeer-dejinta waddankaas, ayaa iska fogeeyay dacwadda maxkamadda ee liddiga ku ah Kais Saied.

Hase ahaatee, xisbiga ayaa si xoogan wuxuu u dhaleeceeyay tallaabooyinka uu bilooyinkii lasoo dhaafay uu madaxweynaha, oo ay kujirto cayrinta ra'iisul wasaaraha.

Hoggaamiyahan 63 jirka ah ayaa ficiladiisa waxaa si weyn u soo dhoweeyey kuwa sida aadka ah uga niyad jabsan waxqabadka iyo qaar kamid ah xisbiyada siyaasadda ee dalka.

Mr Saied oo kusoo baxay doorasho xasaasi ah ayaa wuxuu ku doodaya in uu doonayaa inuu dalka ka badbaadiyo burburka iyada oo ay jirto dhaqaale xumo iyo kiisaska Covid oo sii kordhaya.

Shacabka Tunisia ayaa waxay la daalaadhacayaan dhibaatooyin dhaqan-dhaqaale gaar ahaan dakhliga oo hoos u dhac ballaaran wajahaya iyo waliba qiimaha maciishadda oo sarre u kacay saddexdii [3] bilood ee aynu kasoo gudubnay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM