Madaxwaynihii hore ee DDSI Cabdi Illey oo xabsi la dhigay [DAAWO]

Image
Image
Image

ADDIS ABABA - Laamaha amaanka ee dowladda Itoobiya ayaa xabsiga dhigay Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida, Cabdi Maxamed Cumar, sida laga soo xigtay warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda Addis Ababa.

TV-ga dowladda ETV ayaa soo bandhigay muuqaal muujinaya ciidamo Booliska ah oo Cabdi Illey kala soo baxay guri uu ka deganaa magaalada Addis Ababa, oo gaari saaraya.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay Guriga Cabdi Illey laga soo xiray ay ka heleen 5 qori oo AK-47 ah iyo 4 bastoolad, kuwaasoo ay la wareegeen hay'adaha amniga, islamarkaana lagu sameynayo baaritaan.

Xariga Cabdi Illay ayaa wuxuu kusoo beegmayaa maalin kadib markii xubnaha sharci dejinta ee dowlad degaanka Soomaali Galbeed ay ka xayuubiyeen xasaanada Cabdi Illay iyo lix xubnood oo kale.

Sababta xasaanadda looga qaaday ayaa lagu sheegay inay lala xiriirinayo inay ku lug-lahaayeen kicinta rabshadihii dhowaan ka dhacay Magaalooyin ka tirsan degaanka, taasoo ay ku dhinten dad badan, kuwa kelana ay ku barakaceen.

HOOS KA AKHRISO MAGACYADDA XUBNAHA XASAANADA LAGA QAADAY

1. Cabdi Maxamed Cumar – Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka,

2. Cabdi Jamaal Qelonbi - Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Wasiirka Caddaaladda,

3. Raxma Maxamed – Madaxa arrimaha Haweenka iyo Caruurta,

4. Ibraahim Mahdi – Wasiirka Waxbarashada,

5. Deeq Cabdullaahi – Ku xigeenka Wasiirka Horumarinta Biyaha iyo Khayraadka,

6. Ibraahim Maxamed Mubaarak – Duqa magaaladda Jigjiga,

7. Cumar Cabdi – Madax arrimaha siyaasadda ee Xisbiyadda Shacbiga Soomaalida Itoobiya ee ESPDP.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo si adag uga jawaabay su’aal ku saabsaneed waxay dowladiisa ka yeelayso Cabdi Illay iyo kooxdii la shaqayneysay ayaa afka ku balaariyay inay cadaaladda horkeeni doonan.

Lama ogga talaabadda xigta oo ay dowladda ka qaadeyso Cabdi Illay iyo kooxdii la shaqayneysay, inkasta oo laysla dhex-marayo in lasoo taagayo maxkamad, si loogu rido xukuno ay ku mutesyteen xadgudubyadda lagu soo eedeeyay.

HOOS KA DAAWO:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM