Madaxwaynihii hore South Africa oo sabab caafimaad u aadey Russia

Image
Zuma ayaa waxa uu sidoo kale oo uu wajahayaa dacwad la xiriirta musuq-maasuq dhacay dabayaaqadii 1990-meeyadii.

CAPE TOWN, South Africa - Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa u safray dalka Ruushka todobaadkii hore arrimo caafimaad awgood, sidda uu sheegay xafiiskiisa warfaafinta.

"Wuxuu dalka ku soo laaban doonaa marka ay dhakhaatiirtiisu dhammeeyaan daawaynta," ayaa lagu yiri bayaan gaar ah oo lala wadaagay saxaafadda maxaliga ah.

Shaacintan ayaa timid maalin kadib markii maxkamada dastuuriga ah ay taageertay go’aankii ahaa in Zuma si sharci darro ah loogu sii daayey sababo cafimaad bishii Sebtembar 2021.

Hogaamiyahan ayaa waxaa xabsiga laga sii daayay ka dib markii uu dhameystay wax ka yar sideed toddobaad oo qeyb ka ahayd xukunka ku dhacay oo ahaa 15 bilood xabsi ah.

Zuma, oo hadda da'diisu tahay 81 jir, ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu ka qaybgeli waayay baaritaan lagu sameeyay musuqmaasuqa intii uu madaxweynaha ahaa.

Siyaasigan ayaa lagu qasbay inuu is casilo sababo la xiriira eedeymaha loo soo jeediyay sanadkii 2018 ka dib sagaal sano oo uu xafiiska joogay - laakiin wuxuu si isdaba joog ah u adkeeyay inuu dhibane u yahay shirqool siyaasadeed.

Zuma ayaa waxa uu sidoo kale oo uu wajahayaa dacwad la xiriirta musuq-maasuq iyo wax-is-daba-marin gaar ah oo la sheegay in lagu sameeyay heshiis hub ah oo dhacay dabayaaqadii 1990-meeyadii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM