Madaxweynaha Eritrea oo booqasho ku tagaya Jabuuti

Image

ASMARA - Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa shaaciyay in Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afworki uu booqan doono dalkiisa, sida ugu dhaqsiyaha badan.

Jabuuti iyo Eritrea ayaa sameynaya mudooyinkii dambe xiriiro heer sare ah kadib markii Itoobiya ay ku talisay inay heshiis ka gaaraan khilaafka u dhaxeeya ee salka ku haya muran dhanka xuduuda.

"Ma heyno taariikhda uu Afwerki booqashada ku imaanaya Jabuuti, laakiin labada Madaxweyne ayaa la filayaa inay is-dhaafsadaan booqashooyin midba midka kale dalkiisa ku tagayo," ayuu yiri Maxamuud Cali.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay Waakaaladda Wararka Anadolu ee Turkiga ayaa sheegay in Jabuuti ay ka go'an tahay in qaab wadahadal ah lagu dhameeyo colaadda kala dhaxeysa Eritrea, maadaama isbedel uu ka dhacay gobolka.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa bishii September kula kulmay dhigiisa Eritrea magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, halkaasi oo uga billowday wadahadal ay garwadeen ka yahay Boqor Salman.

"Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa bilaabay dadaallo abuuraya jawi wanaagsan oo dib-u-heshiisiin ah, waxaana uu ballaariyey baaxadda xasiloonida iyo rajada laga qabo nabadda gobolka," ayuu yiri Wasiirka.

Maxamuud ayaa ku tilmaamay gobolka Geeska Africa midka ugu xasiloonida xun Africa.

"Marka loo barbar dhigo gobollada kale ee Afraica, Geeska Africa waxaa uu dhexda kaga jiraa dhibaatooyin dhowr ah, kuwaasoo qaarkood ka taagan dalalka gudahooda, sida Khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya," ayuu yiri Maxamuud.

Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti ayaa intaasi ku daray in gobolka uu u baahan yahay hogaamiye aragti fog leh, oo arki kara fursadaha ka jira isdhex-galka iyo wadajirka, kana shaqeeya danaha dadka ku nool gobolka.

"Rajo weyn ayaan qabnaa, sababtoo ah waxaan aragnay ifafaallo wanaagsan oo horumar ah," ayuu yiri Maxamuud.

Xiriirka Jabuuti iyo Eritrea ayaa xumaa tan iyo 1980 sababtoo ah khilaafka dhinac dhulka.

June, 2008, labada wadan ayaa dhex-maray dagaal saddex maalmood qaatey kadib markii ay isku dhaceen ciidamadooda xadka ku sugan, iyadoo Jabuuti ay ku eedeysay Eritrea inay dhulkeeda kusoo xad-gudubtay, oo gudaha usoo gashay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Koongo oo kahor tagay afgambi lagu sameyn lahaa Madaxweynaha

Tani waxay ku soo beegantay iyadoo ay xiisad ka taagan tahay xisbiga talada haya ee Madaxweyne Felix Tshisekedi.

  • Afrika

    19-05-2024

  • 12:12PM

In ka badan 100 caruur agoon ah loo sameynayo aroos wadareed

Talaabadan ayaa carro xooggan waxa ay ka dhalisay guud ahaan waddanka Nigeria.

  • Afrika

    18-05-2024

  • 03:35AM