Madaxweynaha Eritrea oo booqasho naadir ah ku tahay Shiinaha

Image
Isaias Afwerki ayaa Beijing kula kulmay dhigiisa Shiinaha Xi Jinping iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Li Qiang.

ASMARA, Eritrea - Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki oo booqasho naadir ah ku tagay China, ayaa Beijing kula kulmay dhigiisa Shiinaha Xi Jinping iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Li Qiang.

Mr Isaias ayaa ubax dhigay Taallada Halyeyyada Dadka ee fagaaraha Tiananmen, taasoo lagu xasuusto dhammaan dadkii ku dhintay halgankii lagu dhisay Shiinaha casriga ah.

Sannadkii 1989-kii, Tiananmen Square ayaa waxa ay noqotay goob diiradda lagu saaro mudaaharaadyo waaweyn oo lagu doonayay xorriyad siyaasadeed oo weyn.

Mudaaharaadyada ayaa waxaa jebiyey maamulka Shiinaha, waxaana talaabadaas ka dhashay iska-hor-imaad dhexmaray ciidamadda iyo banaanbaxayaasha taasoo horseeday waxyeelo.

Mr Isaias oo hadal-jeedin kooban sameeyay ayaa si kal iyo laab ah ammaanay waxa uu ugu yeeray wax ku biirinta Shiinaha ee wax ka bedelka nidaamka adduunka.

Eritrea oo go'doon siyaasadeed ku jitay sanadihii lasoo dhaafay ayaa reer galbeedka waxay u arkaan mid ka mid ah dowladaha adduunka ee dadkooda u geysta dulmiga badan.

Dhaleeceynta ugu badan ee reer galbeedka u jeediyaan maamulka Isaias ayaa la xiriirta xaaladeeda xuquuqul insaanka, laakiin juquraafi ahaan waxay muhiim u tahay Shiinaha.

Shiinaha ayaa saldhig millatari ku leh waddanka ay Eritrea jaarka yihiin ee Jabuuti, wuxuuna doonayaa inuu kordhiyo saameynta uu ku leeyahay guud ahaan gobolka jilicsan ee Geeska qaaradda Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM