Madaxweynaha golaha Madax-banaanida Sudan oo Jubba gaaray

Image

KHARTOUM, Suudaan - Madaxweynaha golaha Madax-banaanida Suudaan ahna taliyaha ciidamada qalabka sida, Cabdifataax Al-Burhaan ayaa gaaray magaaladda Jubba ee caasimada wadanka koonfurta Suudaan.

Alburhaan oo uu soo dhaweeyay Silvakiir Mayardiid ayaa la filayaa in ay ka wada hadlaan colaada wadanka Suudaan.

Booqashooyinka uu ku tagay gobalada wadankaasi iyo dalalka dariska ayaa muujiyay in Milatarigu ay ku gacan sareeyaan dagaalkii xoogaga " Dacm-Sariic".

Sidoo kale gudaha caasimada Khartoum gaar ahaan xaafadaha dadweynaha waxaa ka socda hawlgalo baacsi ah oo Milatariga Suudaan ay sheegeen in ay gudaha xaafadaha kaga sifaynayaan xoogaga " Dacm-sariic" oo guryaha xoog ku dagay kadib markii xeryahoodii ay duqeymo ku baabi'iyeen Milatariga wadanka.

Hogaamiyihii xoogaga "Dacm-sariic", Maxamed Xamdaan Daghlo "Ximaydti" ayaan dhawaanahan war iyo wacaal laga hayn iyada oo wararka qeyb ay shaki galiyaan noloshiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM