Madaxweynaha Jabuuti oo la filayo inuu booqdo Eritrea

Image

JABUUTI - Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la filayaa in dhamaadka Todobaadkan uu booqasho Taariikhi ah ku tago magaalada Asmara ee caasimadda dalka ay colaadda gaamurtay kala dhaxeysa ee Eritrea.

Booqashada Geelle ee Asmara ayaa kusoo beegmaysa xilli Ethiopia ay dhex-dhexaadin u sameynayso labad dowladood oo ku muransan dhul ballaaran oo ku yaalla xuduuda ay wadaagaan tan iyo 2008.

Safiirka Eithiopia ee QM, Takeda Alemu ayaa ku sheegay sababta dhexdhexaadinta inay doonayaan dalalka gobolka Geeska Africa oo heshiis ah, iskaashiga ka dhaxeeya iyo inaysan jirin wadan go'doonsan, oo ka haray horumarka iyo isbedelada socda.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geella ayaa lagu wadaa inuu wadahadallo kula yeesho Asmara dhigiisa Eritrea Isaias Afwerki, oo ay kawada hadli doonaan sidii ay labada dal usoo celin lahaayeen xiriirkooda.

Ciidamada labada wadan ayaa sanadkii 2008 dagaal dhiig ku daatay ku dhexmaray xuduuda, kadib markii Jabuuti iyo Eritrea ay ku murmeen lahaanshaha Jaziiradaha ku yaalla Ras Doumeira.

Sidii colaadda nabad loogu bedeli lahaa, sidoo kalena dib loogu soo celin lahaa xiriirka diblomaasiyasadeed ayaa kamid ah arrimaha ugu waaweyn ay kawada hadli doonaan Geelle iyo Afwerki.

Bartamihii bishan, Safiirka Jabuuti ee Qaramada Midoobey, Saciid Ducaalle ayaa warqad furan u diray Gollaha amaanka, taasoo dowladiisa kaga dalbatay inay soo farageliyaan xiisadda kala dhaxeysa Eritrea.

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa todobaadkii hore tagey Addis Ababa, oo Abiy Axmed u gudbiyay fariin uu uga wadey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo ku aadan wadahadalka Eritrea. 

Sanadkii 2010, Qadar ayaa isku dayday inay dhex-dhexaadiso labadan dal, iyadoo ciidamo geysay xadka ay wadaagaan, kuwaasoo dib ugala soo baxday dhawaan markii Jabuuti la safatay xulufada Sacuudiga.

Geelle waxaa kaga horeeyay Asmara Abiy Axmed iyo Farmaajo oo heshiis lasoo galay Afwerki, xilli uu isbedel xooggan uu ka socdo gobolka Geeska Africa, oo hadda dalalka ku yaalla doonaya inay sameeyaan iskaashi.

Dowaladda Eithiopia ayaa ka tanaasushay magaalada Badme oo xadka ku taalla, si ay ula heshiiso Eritrea markii uu Abiy Axmed talada dalkaasi la wareegay April 2018, lama oga in Jabuuti ay wadadaasi mari doonto. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM