Madaxweynaha Kenya oo booqasho taariikhi ah ku tagaya dalka Eritrea

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxwaynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa berri booqasho rasmi ah ku tagaya magaalada Asmara ee caasimada wadanka Eritrea, sida ay xaqiijiyay xafiiskiisa.

Markii ugu dambeysay oo Madaxwayne Kenyan ah uu booqday Eritrea waxay ahayd sanadkii 1999-kii.

Kenya ayaa ka fekeraysa inay dib u furto safaaradeeda Asmara.

Madaxwayne Isaias Afwerki, oo socdaal ku tegay Kenya sanadkii hore 2018, ayaa waxa uu la kulmay Kenyatta oo uu kala hadlay nabada iyo xasiloonida gobolka.

Afwerki ayaa labo jeer booqday Kenya iyaddoo uu Uhuru madaxweyne ka yahay.

Markii ugu horeysay waxay ahayd 2013-kii, markaas oo uu ka qaybgalay munaasabad uu qabsaday xisbiga talada haya ee Jubilee, taasoo soo gabagabeysay hadal-heyn ahayd in xiriirka labada dal uu sii xumaanayo.

Cilaaqaadka diblumaasiyadeed ee Eritrea iyo Kenya ayaa hakad galay sanadkii 2011-kii.

Tani waxay ka dambeysay markii wasaarada arrimaha dibada Kenya ay ku eedaysay xukuumada Eritrea inay Hub siiso kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Somalia, taasoo cunaqabeyn ay ku muteystay, balse, dhowaan laga qaaday.

Mas'uuliyiinta Asmara ayaa gaashaanka ku dhuftay eedaynta Kenya, taasoo xitaa ku hanjabtay inay dib u eegayso xiriirla labada geesoodka ah ee dalalkaan.

Safarka uu Uhuru Kenyatta kayaa imaanaya iyada oo gobolka uu ka socdo isbedal siyaasadeed oo xoogan, islamarkaana Somalia, Itoobiya iyo Eritrea ay ku heshiiyeen inay sameystaan Iskaashi dhaqaale oo aan Jabuuti qayb ka ahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM