Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Sudan oo gaarey Itoobiya [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA - Wufuud ay kala hogaaminayaan Madaxweynayaasha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa maanta gaarey dalka Itoobiya.

Geelle iyo Al-Bashiir ayaa ka degay Garoonka diyaaradaha magaalada Jimma, oo caasimad u ah gobolka Oromia, oo ku yaalla Koonfurta Galbeed ee dalka Itoobiya.

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed iyo mas'uuliyiin kale oo Xukuumaddiisa katirsan, oo halkasi uga soo horeeyay ayaa soo dhaweeyay Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Sudan.

Wakaaladda Wararka ee Itoobiya, "FANA" ayaa sheegtay in Geelle iyo Al-Bashiir ay ka qeybgali doonaan musaanabado xariga looga jarayo mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay degaanada Oromada.

Saddexda hogaamiye ayaa la filayaa inay magaalada Jamma ku yeeshaan kulan gaar ah, oo ay uga wadahadlayaan arrimah dhaqaalaha iyo Iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo is-dhexgalka.

Tan iyo markii la doortey April 2018, Abiy Axmed ayaa wadey qorshooyin uu ku doonayo inuu ku fur-furo siyaasadda dalkiisa iyo xiriirka dalalka gobolka, isagoo raadinaya dekado shacabkiisa 100-ka Milyan gaaraya ay wax kasoo degsadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM