Madaxweyne Jacob Zuma oo diiday inuu is-casilo

Image

Wararka naga soo gaarayo Konfur Afrika waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Jacob Zuma uu diiday in uu is casilo iyadoo ay la kulmeen 6 hogaamiyo sar sare oo ka tirsan xisbiga ANC.

Arrintan oo aysan jirin cid wali xaqiijisay ayaa waxaa boggiisa Twitter kusoo qorey hoggaaamiyaha mucaaradka Julias Malema.

Shir looga hadlaayay mustaqbalka madaxweynahan ayaa lagu qabtay gurigiisa ku yalla Pretoria, waxa uuna wajahaya eedeymo musuqmaasuq.

6da hogaamiye ee ugu sareysa xisbiga ANC ayaa hal hal u gaaray guriga madaxweyne Jocob Zuma, ula jeedada ay halkaasi u tageyeen way u cadeed qaar badan oo ka mid shacabka Konfur Afrika.

Waxay rajeynaayeen inay ka dhaadhicin donaan madaxweynaha dalkaasi in uu dhaqso iscasilo, madama uu fadeexo musuqmaasuq lugta gula jiro, balse waxay u muuqataa in Mr Zuma uusan dooneynin in uu si fudud oo buuq aan lahayn uu xilkaasi u baneeyo.

Waxa in yar in yar meesha uga baxday rajadii laga qabay in uu isbadel dhici doono inta aanan la gaarin qudabadda sanadlaha ah ee madaxweynaha u jeediyo qaranka.

Xilkaasi waxaa la doonayaa in uu la wareego madaxweyne ku xigeenka dalkaasi ahna hogaamiyaha cusub ee xisba ANC Cyril Ramaphosa.

Mar hadii Mr Zuma uu diiday in uu iscasilo, waxa galinka dambe ee maanta kullan deg deg ah wada yeelanaayo guddiga dhexe ee xisbiga si ay arrintani tallaabo uga qaadaan.

Waxa la filayaa in ay kawada hadli doonaan sidii loo bilaabi lahaa hanaan meesha looga saaraayo madaxweyne Zuma, waxayna u badantahay inaay barlamaanka usoo gudbin donaan mooshin ka dhan ah madaxweynaha.

BBC

Related Articles

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM