Mali iyo Burkina Faso oo ballan qaaday inay difaaci doonaan afgambiga Niger

Image

NIGER - Mali iyo Burkina Faso ayaa soo saaray bayaan ay si adag uga jawaabeen hadalkii ka soo yeeray Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (ECOWAS), kaas oo ku hanjabay in tallaabo militari ay ka qaadi doonaan kooxdii ka dambeysey afgambigii Niger.

Hogaamiyayaasha Mali iyo Burkina Faso ayaa sheegay in faragelin kasta oo militari ah oo lagu sameeyo Niger si Madaxweyne Maxamed Bazoum loogu soo celiyo xukunka ay la macno tahay in lagu qaaday dagaal.

Maamulka labada dal ayaa sidoo kale ka digay in faragelin kasta oo militari ah oo ka dhan ah Niger ay horseedi doonto in Burkina Faso iyo Mali ay ka baxaan urur goboleedka ECOWAS.

Waxa kale ay qeexeen cawaaqib xumada ka dhalan karta faragelinta milatari ee Niger, iyo khalkhalgelinta ay gobolka ku keeni karto.

Labada dal ayaa muujiyay diidmadooda in Niger la saaro waxa ay ku tilmaameen cunaqabatayn sharci-darro ah, taasoo ka dhan ah dadka iyo maamulka Niger.

War kale oo ka soo baxay maamulka Guinea ayaa lagu sheegay in ay ka soo horjeedaan cunaqabateynta ay ECOWAS ku soo rogtay Niger. Waxaa xusid mudan in maamulka saddexda wadan ee diiday cunaqabataynta la saarayo Niger ay ku yimaadeen afgambi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM