Mali: Lamaane Talyaani ah iyo cunugooda oo la qafaashay

Image
Inta badan, xaaladaha sii daynta dhibanayaasha afduubka ayaan weligood si cad loo xaqiijin.

BOMAKO, Mali – Kooxo hubeysan ayaa koonfurta bari ee dalka Maali ku afduubtay lamaane u dhashay dalka Talyaaniga iyo canugooda iyo sidoo kale muwaadin reer Togo ah, sida uu wakaalada wararka ee AFP u sheegay sarkaal maxali ah iyo ilo dhanka amaanka ah oo ciidamadda Mali ka tirsan Jimcihii.

Shaqsiyaadkan waxay sheegeen in afduubku uu ka dhacay goor dambe oo Khamiista meel qiyaastii 100 kiilo mitir u jirta xudduudda Burkina Faso, oo qayb ka ah gobolka galbeedka Afrika ee ay ka dhaceen qalalaasaha, afduubka iyo sidoo kale iskahorimaadka oo lagu eedeeyay dabley.

"Kooxo hubeysan oo watay gaari ayaa ka afduubay meel 10 KM u jirta Koutiala saddex qof oo Talyaani ah iyo Togo," ayuu yiri sarkaal ka tirsan gobolka Koutiala oo codsaday inaan magaciisa la xigan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Talyaaniga ayaa markii dambe ku xaqiijisay bayaan kooban "afduubka saddex qof oo walaalo ah oo ka dhacay Mali".

Dhowr ajaaniib ah ayaa laga afduubtay xadka Burkina Faso sanadihii u dambeeyay. Afduubyadu aad ayay ugu badan yihiin dalka Maali, in kasta oo ujeeddooyinkoodu ay ku yimaaddaan dembiilayaal iyo arrimo siyaasadeed.

Inta badan, xaaladaha sii daynta dhibanayaasha afduubka ayaan weligood si cad loo xaqiijin.

Maali ayaa tan iyo sanadkii 2012-kii waxaa ka aloosnaa kacdoono jihaad doon ah oo ay wadaan kooxo xiriir la leh al-Qaacida iyo kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka. Meelo badan oo dalka ka mid ah ayaa waxaa ku kacsan kooxo iyo maliishiyo tiro badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo sheegtay inay iska difaacayso “duullaan ballaaran” oo Eritrea ku soo qaaday

Dagaallada dib u soo cusboonaaday ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in gobolka Geeska Afrika uu galo dagaal ballaaran.

  • Afrika

    10-10-2026

  • 11:27AM

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM