Maraykanka oo ugu baaqay muwaadiniinta inay si degdeg ah uga baxaan Itoobiya

Image
Colaadda Itoobiya waxaa ku dhintay kumannaan qof, malaayiin kalena way ku barakaceen

WASHINGTON- Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa uga digtay muwaadiniinta Maraykanka ah ee ku sugan dalka Itoobiya in aanay ka bixi karin dalkaas haddii ay xaaladda ammaanku si lama filaan ah uga sii darto.

Sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa ku booriyay muwaadiniinta Mareykanka inay si deg deg ah uga baxaan Itoobiya, isagoo sheegay in Washington aysan qorsheyneynin inay abaabulaan daadgureynta shacabka, si la mid ah Afgaanistaan.

Mareykanka iyo Midowga Afrika ayaa cadaadis ku saarayay dowladda Itoobiya iyo fallaagada gobolka Tigray iney joojiyaan colaadaas, taasoo ay ku dhinteen dhowr kun oo qof, ayna ku barakaceen laba milyan tan iyo markii ay billaabatey sannad ka hor.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanka uu joojiyay ansixinta cunaqabateynta ka dhanka ah dhinacyada is haya, sababtoo ah waanwaanta nabada ayaa wali firfircoon.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM