Maraykanka oo ugu baaqay muwaadiniinta inay si degdeg ah uga baxaan Itoobiya

Image
Colaadda Itoobiya waxaa ku dhintay kumannaan qof, malaayiin kalena way ku barakaceen

WASHINGTON- Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa uga digtay muwaadiniinta Maraykanka ah ee ku sugan dalka Itoobiya in aanay ka bixi karin dalkaas haddii ay xaaladda ammaanku si lama filaan ah uga sii darto.

Sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa ku booriyay muwaadiniinta Mareykanka inay si deg deg ah uga baxaan Itoobiya, isagoo sheegay in Washington aysan qorsheyneynin inay abaabulaan daadgureynta shacabka, si la mid ah Afgaanistaan.

Mareykanka iyo Midowga Afrika ayaa cadaadis ku saarayay dowladda Itoobiya iyo fallaagada gobolka Tigray iney joojiyaan colaadaas, taasoo ay ku dhinteen dhowr kun oo qof, ayna ku barakaceen laba milyan tan iyo markii ay billaabatey sannad ka hor.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanka uu joojiyay ansixinta cunaqabateynta ka dhanka ah dhinacyada is haya, sababtoo ah waanwaanta nabada ayaa wali firfircoon.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Nigeria: 303 Arday iyo 12 Macallin oo La Afduubay, Warbixin Cusub oo La Soo Saaray

Ardayda la afduubay waxay yihiin wiilal iyo gabdho da’doodu u dhaxayso 10 ilaa 18 sano, sida ay sheegeen Saraakiisha amniga.

  • Afrika

    23-11-2025

  • 06:25AM

Xildhibaanada Soomaaliya oo loo diiday Baarlamaanka Bariga Afrika sababo musuq-maasuq

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aden Maxamed Nur, ayaa safar ku tagay Nairobi si uu u raadiyo taageero diblomaasiyadeed.

  • Afrika

    22-11-2025

  • 06:28AM