Mareykanka iyo Sacuudiga oo baaq kasoo saarey xaalka Suudaan

Image
Waxaa jira walaac isa soo taraya oo laga qabo ammaanka sii xumaanaya ee gobolka Darfur.

KHARTUUM, Suudaan - Dowladaha Sacuudiga iyo Mareykanka oo war-saxaafadeed kala duwan soo saarey ayaa waxay soo jeediyeen in xabad joojinta Suudaan la kordhiyo.

Labada dal ayaa isha ku haya xabbad joojinta oo marar badan lagu xadgudbay, waxayna ugu baaqeen ciidamada iyo xoogaga ka soo horjeeda ee Rapid Support Forces (RSF) inay sii wadaan wada xaajoodka, si gargaarka bini'aadanimo loo gaarsiiyo.

Dadka deegaanka oo ay soo xigatay saxaafadda ayaa sheegay in xalay dagaallo ay ka dhaceen magaalada caasimadda ah ee Khartoum iyo magaalada ku dhow ee Omdurman.

Waxaa jira walaac isa soo taraya oo laga qabo ammaanka sii xumaanaya ee gobolka Darfur halkaasoo caan ku ah xasuuq loo geystay shacab lagana cabsi qabo in uu soo laabto.

Hogaamiyihii hore ee fallaagada haddana ah guddoomiyaha gobolka Darfur, Minni Minawi, ayaa ugu baaqay dadka rayidka ah inay hubka qaataan, taasoo sii kordhisay walaaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM

Midowga Afrika iyo IGAD oo wada Dadaallo Lagu Badbaadinayo Heshiiska Nabada South Sudan

Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa in wafdigani ay fursad u heleen la kulanka Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad Riek Machar.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 08:34AM