Mareykanka iyo Sacuudiga oo baaq kasoo saarey xaalka Suudaan

Image
Waxaa jira walaac isa soo taraya oo laga qabo ammaanka sii xumaanaya ee gobolka Darfur.

KHARTUUM, Suudaan - Dowladaha Sacuudiga iyo Mareykanka oo war-saxaafadeed kala duwan soo saarey ayaa waxay soo jeediyeen in xabad joojinta Suudaan la kordhiyo.

Labada dal ayaa isha ku haya xabbad joojinta oo marar badan lagu xadgudbay, waxayna ugu baaqeen ciidamada iyo xoogaga ka soo horjeeda ee Rapid Support Forces (RSF) inay sii wadaan wada xaajoodka, si gargaarka bini'aadanimo loo gaarsiiyo.

Dadka deegaanka oo ay soo xigatay saxaafadda ayaa sheegay in xalay dagaallo ay ka dhaceen magaalada caasimadda ah ee Khartoum iyo magaalada ku dhow ee Omdurman.

Waxaa jira walaac isa soo taraya oo laga qabo ammaanka sii xumaanaya ee gobolka Darfur halkaasoo caan ku ah xasuuq loo geystay shacab lagana cabsi qabo in uu soo laabto.

Hogaamiyihii hore ee fallaagada haddana ah guddoomiyaha gobolka Darfur, Minni Minawi, ayaa ugu baaqay dadka rayidka ah inay hubka qaataan, taasoo sii kordhisay walaaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM