Mareykanka oo $55 bilyan siinaya dalal ay ku jirto Soomaaliya

Image
Lacagtan ayaa la filayaa in looga dhawaaqayo Shirka Mareykanka iyo Afrika oo ka dhacaya Washington.

WASHINGTON, USA - Balanqaadka Mareykanka ee taageerida Afrika waxaa qeyb ka ah $55 bilyan oo kaalmo ah, sidda uu shaaca ka dhigay la taliyaha amniga qaranka madaxwayne Joe Biden ee Jake Sullivan.

Hadalkan oo uu ka dhawaajiyay Isniintii shalay ahayd ayaa waxa uu yimid ka hor shir saddex maalmood socon doona oo 50 wafdi Afrikaan ah ay ku leeyihiin magaalada Washington.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kamid ah hogaamiyeyaasha Afrika ee ka qeybgeli doona kulankan isla markaana wadamadooda ay heli doonan lacagtaas.

"Maraykanku waxa uu 55 bilyan oo doollar ugu yaboohi doonaa Afrika inta lagu guda jiro saddexda sano ee soo socota, oo dhinacyo kala duwan leh, si wax looga qabto caqabadaha ugu muhiimsan ee waqtigeenna," ayuu yiri Sullivan.

Waxa uu intaa ku daray: "Balanqaadyadani waxay xoojinayaan hoggaaminta dheer ee Maraykanka iyo iskaashiga dhinacyada horumarka, kobaca dhaqaalaha, caafimaadka iyo ammaanka Afrika."

"Waxaan madasha shirka aan ku tusin doonnaa faahfaahinta ku saabsan waxyaabaha diiradda lagu soo saari doono maalgelinta," ayuu hadalkiisa intaas sii raaciyey.

Sullivan oo ka jawaabayay su’aal ay weydiisay VOA-da ayaa carabka ku adkeeyay in lacagtan aysan shuruud ku xirneyn in dowladaha Afrika ay ku cambaareeyaan Ruushka duulaanka uu ku qaaday Ukraine.

Bishii Maarso, wax yar ka dib markii uu billowday duullaanku, 17 waddan oo Afrikaan ah ayaa ka aamusay codbixin lagu dhaleeceeyay Ruushka ee Qaramada Midoobay.

Aqalka Cad ayaa si taxaddar leh u tixraacaya loolanka kaga imaanaya xukuumadda Beijing ee ku wajahan saameynta qaaradda Afrika. Shiinaha ayaa dalalka mandiqada kusoo jiitay deyn iyo horumarinta kaabayaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM