Mareykanka oo cadaadis saarey dhinacyada ku dagaallamaya Itoobiya

Image

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa si weyn uga walaacsan sara u kaca iska horimaadyada militari ee Itoobiya, wuxuuna ku baaqay in wadaxaajood degdeg ah laga yeesho xiisadda, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka.

"Xoghaye Blinken wuxuu muujiyay walaac aad u weyn oo ku saabsan calaamadaha welwelka leh ee muujinaya kororka militariga ee Itoobiya, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si degdeg ah loogu gudbo wadahadal," ayuu ku yiri hadal uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Ned Price Jimcihii shalay.

Price, ayaa hadalkan soo saaray ka dib markii ay taleefoon ku wadahadleen madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Blinken, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed iyo xoogagga mucaaradka ah ee ka soo jeeda gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi ayaa in ka badan hal sano dagaallamaya, waxaana dagaalkaas uu galaaftay kumanaan qof, halka malaayiin kalena ku barakiciyeen, waxaana Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu Arbacadii ku biiray furinta hore ee dagaalka.

Related Articles

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM