Markabkii ugu horeeyay oo Itoobiya leedahay oo ku xirtay dekada Eritrea [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

ASMARA, Eritrea - Markabkii ugu horeeyay oo ganacsi oo ay leedahay dowladda Itoobiya, ayaa ku xirtay maanta oo Arbaco ah Dekedda Massawa, oo ku taalla dalka Eritrea, markii ugu horeysay mudo 20 sano ah.

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, Madaxweynaha Eritrea, Isaisa Afwerki iyo mas'uuliyiin labada dowladood katirsan ayaa ku sugnaa dekadda, xilliga uu kusoo xirtay Markabka xamuulka qaada ee "Mekelle".

Sawirro la baahiyay ayaa muujinaya Markabkan, oo ay ka dul-babanayaan calamada dalalka Itoobiya iyo Eritrea, waxaana la filayaa inuu shixnado ganacsi kasoo qaado dekadda Massawa.

Markabka oo ka yimid Sacuudiga ayaa waxa uu kasoo qaadi doonaa Eritrea 11,000 tan oo ZINC ah, oo uu u geyn doono dalka Shiinaha, sida ay baahisay warbaahinta Eritrea maanta.

Abiy Axmed ayaa bogaadiyay dedaallada ay wado dowladda dalka Eritrea, ee ay ku horumarinayso adeegyadda dekadaha iyo wadooyinka, taasoo ah tallaabo loo qaaday dhanka horumarka dhaqaalaha.

Waxa uu Abiy sheegay in labada dal ay ka shaqeynayaan hergelinta heshiis ka kooban 5 qodob oo bishii July ee sanadkan uu isaga kula soo saxiixday Asmara Madaxweynaha Eritrea, Isaisa Afwerki.

Dalka Itoobiya oo shacabkiisu gaarayo 100-milyan ayaanan lahayn wax dekad ah, balse xukuumadda Abiy Axmed ayaa qorsheynaysa in Dekadaha Eritrea ay u noqdaan isha ugu wyen ee ay wax kasoo degsadaan.

Arintan ayaa ka tarjumeysa tallaabo Itoobiya uga maarmi doonto ku tiirsanaantii Dekadaha Jabuuti.

Itoobiya ayaa leh 12 markab oo kuwa xamuulka qaada, waxaana dalka uu dhawaan shaaciyay inuu sameysanayo ciidamada kuwa badda ah, taasoo dad badan oo caalamka ku nool aad uga yaabisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM