Haweenay loo tarxiilayo "faafinta" fikrado ka dhan ah Jannada

Image
Mona Prince oo machlimad suugaanta Ingiriisiga ka dhigta ka ahayd Jaamacadda Suez.

QAAHIRA, Masar - Maxkamad ku taal Masar ayaa taageertay go’aan dalkaas looga ceyrinayo macalimad wax ka dhigata Jaamacad sababo la xiriira muuqaalo ay ku daabacday baraha bulshadda.

Muuqaaladaas oo si weyn ugu faafay baraha bulshadda si gaar ah Facebook-ga ayaa waxay muujiyeen iyada oo qoob ka cayaar ku sameyneysa saqafka sare ee gurigeeda.

Go'aanka maxkamadda ayaa ka dhigan in ay diidey rafcaan ay gudbisay Mona Prince oo suugaanta Ingiriisiga ka dhigta Jaamacadda Suez ee dawladda Masar ay maamusho.

Xukunka kama dambeysta ah ee xeerbeegtadda ayaa loo cukadey "in muuqaalka uu hoos-u-dhigey maqaamkeeda iyada oo ah borofisar jaamacadeed oo looga baahan yahay inuu ilaaliyo oo kor u qaado qiyamka".

Sidda laga soo xigtey wakaaladda wararka ee Reuters, sababaha kale ee maxkamadda cuksatay waxaa kamid ahaa in muuqaalkeeda uu faafinayo fikradaha ka soo horjeeda caqiidada jannada iyo nidaamka guud".

Jaamacadda Suez ayaa haweenaydan waxay shaqada ka cayrisay sannadkii 2018-kii ka dib markii wax laga weydiiyey muuqaallada ay soo dhigtay boggeeda Facebook.

Xukunka maxkamada ayaa ah mid kama dambeys ah oo ka mamnuucaya in ay ka shaqeyso jaamacado gaar loo leeyahay ama mid dowladeed kadib markii ay isku-dayday in ay kasii shaqeyso dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM