Mas'uul Soomaali ah oo loo dhiibay shaqadii laga ergay Gabre

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Mas'uul cusub ayaa la wareegay xilkii uu Jeneraal Gabre ka hayay Urur goboleedka IGAD uga hayay, kaasoo shaqada laga eryay bishii June ee sanadkan.

Nin lagu magacaabo Nuur Maxamuud Sheekh, oo Soomaali ah ayaa ku guuleystay shaqadan, oo ah la Taliyaha sare ee dhinaca siyaasadda ee Xoghyaha Guud ee IGAD ee arrimaha dalka Suudaanta Koonfureed.

Nuur oo haysta dhalasha dalka Ingiriiska ayaa kula tartamay xilkan musharaxiin dhowr ah oo dalal kale oo African ah ka socday, waxaana uu noqonayaa qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo jagada ka qabta IGAD.

"Markii Gabre shaqada laga qaadey, waxaa lagu xayeesiiyay bogga IGAD, qeybta shaqooyinka banaan, waan codsaday, kadibna waxaan kula tartamay musharaxiin kale oo ka socday dalalka xubnaha ka ah IGAD, waana ka guuleystay," ayuu Nuur u sheegay Dalsan Radio.

Mas'uulkan ayaa la shaqeyn doono Wakiilka IGAD horumarada dhinac Siyaasadda Suudaanta Koonfureed, oo dagaal sokeeye uu ka socdo tan iyo markii uu wadanka ugu yar da' ahaan Africa tan iyo markii uu ka go'ay Suudaan inteeda kale, July, 2011-kii.

Nuur Maxmuud Sheekh waxa uu kasoo jeedaa degmada Baraawe, ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo uu ku dhashay sanadkii 1969-kii.

Waxa uu kasoo shaqeeyay UN-ka, gaar ahaan xafiisyada New York iyo Nairobi, isagoo sanadihii ugu dambeeyay ahaa la taliye dhanka arrimaha bini'aadanimada ee IGAD.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM