Maxaa ka jira in Gabre oo laga eryay Shaqadii IGAD?

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Warqad ku asteysan Sumadda IGAD, oo ku taariikheysan 25-ka June ayaa lagu sheegay in shaqada laga eryay Jeneraal Gabre, oo ka shaqeyn jirey dalka Soomaaliya in muddo ah.

Qoraalkan oo nuqul kamid ah Garowe Online uu helay ayaa lagu sheegay in la baabi'iyay heshiiskii shaqo ee Gabre, oo La-Taliye Sare dhanka Siyaasadda South Sudan u ahaa Maxbuub Maalin, Xoghayaha Guud ee IGAD.

Warqada oo uu ku saxiixan yahay Maxbuub Maalin, ayaa lagu wargeliyay General Gabre inuu wareejiyo Xafiiska, iyo agabkii uu ku shaqeynayay, iyadoo lagu wargeliyay qoraalkan dhamaan qeybaha khuseeya go'aanka.

IGAD ma aysan sheegin sababta xilka qaadista, balse qof ka warhaya arrimaha ayaa Garowe Online u sheegay go'aanka uu yimid kadib shirkii dhawaan madaxda Ururkan ay ku yeesheen Addis Ababa kaasi oo looga hadlay dagaalka Sokeeye ee South Sudan.

Gabre oo kasoo jeeda dalka Eithiopia ayaa howshiisii la talinta Siyaasadda South Sudan la sheegay inuu fashil ku yimid mudadii uu xafiiska joogey, taasi oo soo dedejisay in shaqada laga eryo.

Jeneraal Gabre ayaa isla shaqada la talinta Siyaasadda IGAD kasoo qabtey Soomaaliya wixii ka horeeyay doorashadii Madaxweyne Farmaajo bishii Febuary 8, 2017 markii oo laga soo wareejiyay.

HOOS KA AKHRI WARQADDA:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Itoobiya oo sheegtay inay iska difaacayso “duullaan ballaaran” oo Eritrea ku soo qaaday

Dagaallada dib u soo cusboonaaday ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in gobolka Geeska Afrika uu galo dagaal ballaaran.

  • Afrika

    10-10-2026

  • 11:27AM

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM