Maxaad ka taqaan Taariikhda Madaxweynaha cusub ee DDSI?

Image

JIGJIGA - Isbedel cusub, ayaa ka dhacay maanta oo Isniin ah dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya [DDSI], halkaasi oo mudooyinkii dambe ay ka taagnaayeen qalalaase iyo xiisad siyaasadeed.

Kadib wadahadal iyo cadaadis gudaha ah, Madaxweynihii 13-ka sano soo maamulayay DDSI, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta is-casilay, iyadoo tallaabadan loo arkay mid dhanka nabada loo qaadey.

Waxaa xilka isla-markiiba loo magacaabay Axmed Cabdi Maxamed, oo xilal kala duwan kasoo qabtey dowlad degaanka, kaasoo dad badan ay ku tilmaameen inuu yahay shaqsi isbedel u keeni kara DDSI.

-Taariikhda kooban ee Madaxweynaha cusub-

Wuxuu ku dhashay magaalada Garbo, oo katirsan gobolka Fiq sanadkii 1986-dii [32 sano jir].

Waxa uu wax kasoo bartay Jaamacado ku yaalla Dirir Dhawe iyo Bahir Dar, oo cilmiga dhaqaalaha [Economy] kasoo bartay.

Waxa uu mar soo noqday madaxa maaliyadda Godey. Sidoo kale waxa uu noqday Duqa magaalada Qabri-dahar, waxaana uu xubin ka yahay xisbiga haya talada dalka Itoobiye ee ESPDP.

Waxuu markii ugu dambeysay ahaa Wasiirka Maaliyadda dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya [DDSI], maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM