Midowga Afrika oo baaq cusub u diray Itoobiya iyo TPLF

Image
Soojeedintan ayaa waxay kusoo hagaagaysaa in ka badan saddex bilood kaddib heshiis nabadeed oo lagu soo afjaray colaadda.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ururka Midowga Afrika ayaa ku baaqay wadahadal siyaasadeed oo dhexmara dowladda Itoobiya iyo mas’uuliyiinta Tigreega, sidda ku xusan war-saxaafadeed soo baxay.

Soojeedintan ayaa waxay kusoo hagaagaysaa in ka badan saddex bilood kaddib heshiis nabadeed oo lagu soo afjaray colaad dhiig badan ku daatay oo ka dhacday waqooyiga dalkaas.

War murtiyeedkii ayaa ahaa natiijada ka soo baxday shirkii guddiga dabagalka heshiiska nabadda ee Jimcihii ay isugu yimaadeen wakiilo ka socday dowladda Itoobiya, madaxda Tigrayga iyo urur goboleedka IGAD.

Heshiis nabadeed oo ay bishii Nofembar 2022 ay dowladda Itoobiya iyo fallaagada gobolka woqooyiga Itoobiya ku saxiixeen magaalada Pretoria ayaa soo afmeeray laba sano oo colaad ah.

Tan iyo markii qalinka lagu duugay heshiiskii Pretoria, dagaalku wuu joogsaday, waxaana dib u bilowday gaarsiinta gargaarka. Talaabadaas waxaa bogaadiyey hay'adaha caalamiga ah.

Duulimaadyada u dhexeeya caasimadda gobolka Tigray, Mekele, iyo Addis Ababa ayaa dib u billowday horraantii Janaayo ka dib 18 bilood oo hakad ah dhanka furimaha dagaalka ah.

Gelitaanka Tigray waa xaddidan yahay, taasoo ka dhigaysa mid aan suurtagal ahayn in si madax bannaan loo xaqiijiyo xaaladda dhulka. Hase ahaatee, waxaa lasoo sheegayaa in jawigu nabdoon yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM