Miguna Miguna oo weli jawaab ka sugaya Ruto

Image

NAIROBI - Garyaqaanka Kenya u dhashay ee musaafuriska ugu maqan dalka Canada Miguna Miguna ayaa sheegay in ay boorsadiisa xirxirantahay, warna uu ka sugayo Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.

Miguna ayaa sheegay in mamnuucista safarka laga qaadi doono shalay oo ahayd arbacada, ballan-qaadna uu ka haysto Ruto, balse illaa hadda taasi aysan dhicin.

Ruto ayaa wareysi uu bixiyay markii la doortay kadib sheegay in Miguna uusan gelin wax dambi ah, aysana jirin sabab uu dalka uga maqnaado, isaga oo ku dooday in Kenya oo iyadu qaxootiga qaabisha aysan yeelan karin dad qaxooti ah oo ka cararay.

Miguna oo ay si weyn isugu dhaceen Raila Odinga ayaa waxaa dalka ka masaafuriyay madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta, iyada oo laga tarxiilay Nairobi.

Dhawr jeer oo uu isku dayay in uu soo laabto ayaa dhexda laga celiyay, waxaana gebi ahaanba diiday in ay soo qaadaan diyaaradaha.

Miguna ayaa caan ku ah dhaleeceynta iyo wax ka sheegista madaxweynihii hore iyo Odinga oo uu u yaqaano “tuug”.

Waxa uu mar xulufo la ahaa Odinga oo ay markii dambe isku dhaceen.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM