Milatariga dalka Burkina Faso oo eryay danjirhii Faransiiska

Image

NAIROBI, Kenya - Milatariga dalka Burkina Faso ayaa ceyriyay safiirkii Faransiiska u fadhiyay dalkan dhaca galbeedka Afrika, sidda ay sheegeen ilo ka tirsan maamulka, iyadoo uu sii xumaanayo cilaaqaadka labada dal.

“Ambassador Luc Hallade waxaa la weydiistay inuu dalka ka baxo,” ayay Ilo-wareed ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda u sheegeen Anadolu Agency, isaga oo qariyey inaan magaciisa la shaacin sababo la xiriira xasaasiyadda arrintaasi leedahay.

"Waxaan waydiisanay in lasoo badalo," ayuu raaciyey Ilo wareedka, iyadoo aan faahfaahin laga bixin. Safaaradda Faransiiska ee Ouagadougou ayaa illaa haatan war kasoo saarin qadiyaddan.

Cayrinta Hallade ayaa timid maalmo kadib markii isku duwaha arrimaha bini'aadantinimada ee Qaramada Midoobay ee Burkina Faso, Barbara Manzi, sidoo kale la ceyriyay bishii Disembar.

Sidoo kale bishii December, taliska milatariga ayaa dalka ka saaray laba muwaadin oo Faransiis ah oo lagu eedeeyay basaasnimo. Naceybka ka dhanka ah Faransiiska ayaa sanadkii hore sare u kacay dalka ku yaal Galbeedka Afrika.

Safaaradda Faransiiska ee magaalada Ouagadougou ayaa waxaa labo jeer weeraray dad mudaaharaadayay oo dalbanayay in Faransiiska uu ka baxo Burkina Faso. Dalka Afrikaan ah oo aan bad lahayn ayaa sanadkii hore waxaa ka dhacay labo afgambi.

Bishii Janaayo 2022, militariga ayaa xukunka ka tuuray madaxweynihii la doortay ee Roch Marc Kabore sababo ku aadan kororka falalka amni darro. Bishii Sebtembar 2022-kii afgambi labaad waxaa sameeyay askar careysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM